Biyo Dhaamin Ka Bilowday Deegaano Ka tirsan Gobolka Nugaal

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Biyo Dhaamin Ka Bilowday Deegaano Ka tirsan Gobolka Nugaal

Post by FBISOMALIA »

Image
Xaruntaan ayaa goobaha ay deeqda biyaha ay gaarsiisay waxaa kamid ah 5-goobood oo ka tirsan deegaano hoostaga gobolka Nugaal oo kala ah,Tuulo Ooman,Ilama adeer,Kala beyr,Birata dheer iyo Abaarey iyadoona loo soo marsiiyey Hay’adda Tadamun oo fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso laamana kuleh magaalada Garoowe.

Deeqdaan biyaha ah ayaa dhamayd 50-booyadood si ay wax uga taraan baahiyaha abaareed ee ka jira deegaanadaasi oo muddooyinkaan ay si xoogan uga taagnaayeen abaaro ba’an oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada kunool halkaasi.

Biyo dhaamintan oo ay ku deeqday Xarunta Iskaashiga Islaamka ee Norwey ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey Duqa Degmada Garoowe Md. Cabdinuur Cilmi Koor oo kala qaybqaatay Hay’adda Tadamun qaabka ay doorashada ugu sameeyeen meelaha ugu daran oo ay ka jirto biyo la’aanta baahsan.

Image

Dadka biyaha la gaarsiiyey oo ahaa kuwa abaartu aad u saameysay isla markaana u baahnaa in ay helaan biyo ku filan ayaa waxay uga mahadceliyeen xarunta ugu deeqday biyaha iyo Hay’adda soo gaarsiisay.

Deeqdaan biyaha ah ayaa waxay noqonaysaa tii labaad oo laga sameeyo gobolka Nugaal,waxaana dadka biyaha la gaarsiiyey ay ahaayeen kuwa u baahan in ay helaan biyo ku filan.

Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”