Qardho oo maanta xashiishad lagu gubay
Last Updated::2008-04-09 15:53:32
TopStoryQardho (HR Media) Waxaa maanta magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar lagu gubay xaddi xashiishad ah oo gaareysa 500gr.
Maxkamada darajada koowaad ee degmada Qardho ayaa ku xukuntay hal sano oo xarig ah eedeeysanihii lagu soo qabtay xashiishadaasi.
Eedeysane Abuukar Cumar Maxamed waxay maxkamadu ku xukuntay 2 sabo oo xarig ah.
Eedeysane Abuukar waxaa la sheegay in xashiishada uu u soo waday magaaladan Boosaaso.
C/weli Xasan Gooni
Horseed Media Qardho





