Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Mogadishu: PM Sharmarke arrives, calls for dialogue & peace:

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Mogadishu: PM Sharmarke arrives, calls for dialogue & peace:

Postby Somalian_Boqor » Thu Feb 26, 2009 6:14 pm

Image

Image

Raysul Wasaare Sharmaarke oo gaaray Muqdisho kuna baaqay Nabad iyo Wadahadal
Thursday, February 26th, 2009 at 7:20 pm
Cabdalle Muumin

HR Media News Desk

Raysul Wasaarahga DKMG ee Soomaaliya Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray Muqdisho.

Raysul wasaaraha waxaa socdaalkiisa Muqdisho ku wehlinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ee dhowaan uu magacaabay kuwaasi oo intooda badan ka mid ah wafdigiisa.

Wafdiga Raysul wasaaraha DKMG oo ah mid aad u balaaran ayaa ka yimid dhinaca dalka Djibouti oo xukuumada KMG ee cusub fadhi u ahayd tan iyo intii la doortey madaxweynaha KMG Shariif Sheekh Axmed oo isaga laftiisa hadda ku sugan Muqdisho.

Dr.Cumar Cabdirashiid oo kula hadlay Airporka Saxaafadda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu magaalada Muqdisho yimaado 19 sano kadib, asagoo ugu baaqay ummada Soomaaliyeed in la joojiyo dhiiga daadanaya.

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa ku baaqay in xabada ka dhaceysa magaalada Muqdisho aysan cidina dani ugu jirin, isla markaana loo baahan yahay in fursad lasiiyo nabada la doonayo in dalka Soomaaliya lagu soo dabaalo.

“….Waxaanu dooneynaa in karaamadii iyo sharaftii dalka aan dib usoo celino….waxaanu dooneynaa 2da sano ee nala siiyey in dalka uu noqdo mid xasiloon…” ayuu yiri Raysul Wasaare Dr.Sharmaarke.

Wuxuu sidoo kale sheegay Raysul Wasaaraha inay la hadli doonaan kooxaha kasoo horjeeda, isla markaana ay doonayaan in xal walba oo la keenayo uu noqon doono mid ay dadka iska dhex arkaan.

“…dalka 18 sano ka badan baa dagaal lagu jiraa caruurtii iyo haweenkii baa ku baaba’ay,….wax kasoo baxayna maleh….waa inaan isku tashanaa oo aan ka midowno kala qeybsanaanta….” ayuu yiri Raysul Wasaaraha oo ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay dowlada la shaqeeyaan isla markaana nabada ay qaataan, asagoo ka digay in dad shisheeye ay kala fogeeyaan ummada Soomaaliyeed.

Ummada Soomaaliyeed waa inay is cafisaa, maanta qof walba oo Soomaali ah dagaalka qof baa uga dhintay, Aanba aniga ugu horeeyo waxaana loo baahan yahay in la iscafiyo oo laga gudbo marxaladan, ayuu yiri Raysul Wasaare Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Waa markii ugu horeysey oo Raysul wasaare Dr.Cumar C/rashiid Cali uu tago Muqdisho tan iyo intii isaga loo magacaabay Raysul wasaaraha KMG ee Soomaaliya 13-kii bishan.

Waxaana tegitaanka wafdiga Raysul wasaaraha ee Muqdisho ay qeyb ka tahay qorshe dowlada ku dooneyso inay dib ugu guurto magaalada Muqdisho ee caasimada.

Waxayse ku soo beegmeysaa iyadoo labo maalin ka hor ay magalada ka dheceen dagaalo kulul oo dhex marey ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo ay ka soo horjeedaan xoogaga Xisbul islaam, dagaaladaasi oo dad rayid ah ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

Source: Horseed Media

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests