Postby JaMaaL-23 » Thu Feb 04, 2010 12:35 am
Doob-Cadale iyo kii kaloo, laga dambaysiiyey
Warsangeli hashuu kaa didsaday, tani ka diif weyne!
Waakaas duggaagii ka fuley, daribti reeraaye
Wax tukuhu daloobinahayaa, doobabkii kacaye
Durqe iyo dorgay hilibkayaga, loo dayaafadiye.
Saaddii dabuurihi dibbay, kula dillaantaaye
Dibnahaaga hadalkii aad ka tiri, doog [39] xun nagu reebye
Wuxuu noo dednaadaba hadduu, soo daleel baxaye.
Wuxuu galow ka sii dananayaa, dirirka cawleede
Weligana wax loo daalacshaa, walaxyo diimoone
Malahayga daafkaad ogayd, haatan soo degaye.
Riyuhuba shabeel dalax hurday, lugo ku doontaane
Marti fiid u dumey buu mar un, yabaq u deexdaaye
Jinnigii dayoobaba nin baa, loo dalqamiyaaye.
Ilaahay diiwaankiisu waa, kaa da’ weyn yahaye
Inkastoo dubbuhu noo dhignaa, nalagu daaduunshey
Adeer dayradaadii horoo, daahday baa timide.
Majeerteen daciifow sidii, doonni caaridaye
Inkastuu dadaal kaa ahaa, doqon ku sheeggaagu
Dannigaad awaaleysey baa, loogu dawgalaye.
Run baa lagu dawoobaa illeyn, beeni duug ma lehe;
Dacas inuu na fuuliyo inaan, debecney mooyaane,
Waakaas doofaarkii Gedood, daalash noo helaye!
Waakaas sidii tuug dibjir ah, duurka noo galaye
Waakaas sidii dabatadii, deero noo qalaye
Waataas duryaad hooyadood, kala dalaabeene.
Waataas islaan duub xidhiyo, boqorro dawrweene
Waataas duqow iyo ugaas, loo dawarayaaye
Waataas nin ay diran jireen, diiraddow sida’e.
Waataas dabkii nalagu shiday, degelku qiiqaaye
Waataas guryihii deyranaa, wada damaagmeene
Waakaas nin dahab beecin jirey, darayga xaabaaye.
Dhallinyaradii waataas dillaan, doolba meel degaye
Goortii wixii duxi lahaa, daayac lagu laystay,
Waataas la deydeyahayaa, daaddufkii haraye.
Waataas dekanaday qabeen, Sede ku daaqaaye
Waataas aan lagu doonanayn, col iyo duullaane
Waataas siday noo dibreen, duudka loo dhacaye.
Waataas dariiqyada hablaha, lagu dubaaqayne
Waataas ilmada dililiq lihi, dulundulcaysaaye
Waataas aan loo diir naxayn, tima-daliigleeye.
Uurdigiso dalanbaabiday, dalan kacaayaane
Haddeerey intay wada dahdeen, silic la duukhaane
Dafir iyo waxaa loogu daray, jeel ku daa’imise.
Dingaraaro booraa ku taal, duudda Maxamuude
Meydkooda daadxoor la mood, dooxu soo rogaye
Duufkay cuneen wiilashii, damaca waallaaye;
Ciisihii darrowshaha nebcaa, daabbad laga yeelye
Kuwuu ficilku daardaari jirey, harag ma doorshaane,
Alla kama diqoodaan gabdhaha, daacayoo sida’e!
Dagaal uma habaystaan intay, danan afuufaane
Hubka kiisa darandoorriga ah, kama dinnaahshaane
Nafta uma diyaarshaan mid uun, labada daaroode.
Abshir [40] deyrkii lagu meeriyaan, cidi ka siiddayne
Damashkiyo rafaadkuu qabuu, dacayda ruugaaye
Dugsi waxaan lahayn bay noqdeen, doobi dhamayaale.
Dabar laguma xoodeen hadduu, duubi leeyahaye
Hoggaan laguma doodeen sidii, dooha awrka ahe
Hohey lama durbaansheen, intay labaddibleeyaane!
Nin dumaashidiin ciilay oo, Diiniyaa jira’e
Hindiya gabadhii laga doonay baan, qaranku daabnayne
Waxaan loogu soo daqaqamayn, waa damiir xumo’e.
Haween aan dalaaqnayn haddana, dulay cidlaa taagan
Oo aan duryaad kuu dhalayn, lana daryeelaynnin
Oo aqalka darintii u tiil, lagu dabayleeyey.
Allaaba waa dareen iyo in ay, dib uga yaabaane,
Haddii loo damaaciyo sidaa, Maxamed [41] daaskiisa
Dar ilaahay qoon kale waxaas, uma dulqaateene.
Inkasteey darmaan quruxsaneey, dihintohoo joogto
Oo ay dubaabkii Siyaad, dalaw ka tuuryaysay,
Iyadays difaacdaye ninnimo, kuma dumaashaane.
Danbar bay noqdeen shalay hadday, dacar ahaayeene
Haddii ay Daawad [42] gubanayso, oo Celi dawaafaayo
Dabcigiyo aqoontoodu waa, giiro-dabataage [43] .
Reer Cismaan digtii gaadhay bay, wada diryaameene
Sidii loo derderey bay dhammaan, doc ula jiifaane
Waxaa loo dudumiyaa sidii, dooro idifleeye.
Dulalkii Qardhood iyo Kobnaa, lagu dullaalaaye
Bah Dirtii dalaaniga ahayd, Dalalku weydeede,
Garabsare wadaan kama daraan, lawliskii Kuba’e.
Deris iyo xigaal kama dhigteen, Xaashi Dalabeeye [44]
Marreexaanka Doolow ammaan, kama dareersheene
Rabbaw deyey damaashaad inay, ugu danaystaane.
Adoogii nimuu duunyo dhaqay, dibse u cayroobey
Kaftan laysku daadsaday hadduu, doodda kaga faano,
Anigaa dameerlaa ka roon, taajir doorsamaye.
Waxse aad kaga daliil qaadataan, dulucda maahmaahda
Dayaxaan madoobaaday iyo, dogobka nuuraaya,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, dawlad baan nahaye.
Cumar soo digiigixi hadday, degin xirnaayeene
Inkastoo la deeddamahayoo, diiqalyo is dhaaftay
Dululaatiyaal baa warmuhu, uga dusaayaane.
Libaaxuba hadduu miid darsado, daacuftiyo foolka
Kolkuu shaarubbada daylo, buu lulo dakaamaaye
Haddaan Eebbahay dabanbasayn, dago ma reebeene.
Iyaguna barqay duban karaan, ururka Duujaale
Taliskaa dukhuunka ahna waa, dumin lahaayeene,
Wuxuu dakhalku uga fooraraa, waa damiinnimo’e;
Shayddaan dakhawlamahayaa, soo dakhaakhula’e
Intuu debin u qooluu haddana, uga dul boodaaye
Iyagoon dareen qabinna waa, dalaq yiraahdaane;
Diradire qabiil waa wixii, diifta noo waraye
Dawgooduu suu yahay haddaan, daayin solansiinnin
Xanta loo degdegayiyo haddaan, beenta laga doorsan;
Sokeeye isu daran daallin wuu, ugu duggaalaaye
Haddaan taladu way daabataye, odayo daaweynnin
Mindhaa ceebta idin daakhishaan, darab idiin mayrin;
Badownimada kugu doogataa, way ku dalaftaaye
Dooc uma hayaan sida warmuhu, ugu darrooraane,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, Doollo Cigallayne.
Docda Cali Saleemaan haddaan, yarehe daymoodo
Inkastoon u digey oo gunnimo, kala digtoonaaday,
Dubaaqooda uun baw u bartoo, lagala soo daalye.
Ratigii dawaadlaba hadduu, dumarku heeryeeyo
Inkasta oo rar dooriyo culays, lagu dandaansiiyo
Hayin kaama kala daadiyee, qaalin baa dida’e.
Ninna hadduu darbaysnaan jiroo, ducuf ku weynaado
Inkastaad xornimo darartay iyo, daalash ugu yeedho,
Dagaag kama hagaagiyo inuu, dib u gurguurtaaye.
Cusri baa daboolaye haddii, Saxal dul gawriiro
Dhaaxaan durqumiyaye haddii, “diira!” laga waayay,
Maxaan ficil ku doocdoociyaa, beer ma soo duxa’e!
Daxal bay intay la uskageen, deri la yeesheene
“Deexey dadkaygii i sii!”, duul horaa yiriye,
Dabcigiyo aqoontoodu waa, cananno [45] soo diiqe.
Ibraahiinno daahay rogteen, dan iyo xeeshoode
Inkastay dinnaahyaynayaan, sooma daalicine
Hadba daraf u guurguurku waa, xaal dahsoon weliye.
Dacda Teendhabelo maalintii, lagu duqaynaayay
Hadday hiil u soo dugukumeen, loose diri waayay,
Duudyaabe gaarkood sidii, doon abaajidaye.
Darbaddaas in ay ku hakadeen, hagari waa deyne
Iyo in ay docdooda u hareen, durayga ma aqaane,
Labadaas midday ugu dudeen, looma duurxuline.
Diraac kulul walaalkaa hadduu, Dalawo maalaayo
Adoo diiqsan xoolaha hadduu, kaa dallali waayo,
Asaad doorka kale dhaanto waa, laga ducaystaaye.
Ninkii ina adeerkaa dilaa, daafad kuuma lehe
Waxba kama duwanid maalintuu, kuu dallaashado’e,
Hanna dayrinnina waa adduun, dabamarkiisiiye!
Maxamuudba diririhii iloow, soona dugukuubye
Matukade [46] dartiis uma galeen, dab iyo baaruude,
Dirrankoodii hore baan u baran, deeq rakuubsiga’e.
Wakhtigaa ku diray in ay bahdood, dar isku raacaane
Iskuduubna waw wada qabteen, dawdi Dhulugdheere,
Biciidyahanka naga sii durkow, roobku waa di’ine!
Reer Ugaarka dooxada Rakood, wada dekaynaaya
Dashiishliyo Siwaaqroon haddaan, moodey niman door ah.
Nin duddumo ammaantaan ahaa, damal la’aaneede.
Dadow Cali Jibraahiil haddaad, damac ka dhawreysey
Waakaa duskii Meeladeen, lagu dabaaxaaye,
Abtiyaalladay oo dug yiri, daaway aadmiguye!
Cabdalle iyo Daanweyne iyo, doosha Gumasoor ah
Durba Hamartiwaaq waa kuwaa, soo dulbaaxsadaye
Danabbada Ammaanlaa mar dhaw, soo danbaaburine.
Derdertii Wabeeneeye iyo, Idigfaclaa doojey
Daraawiish Cabdirixiin ah baan, duurka ku ogaaye
Tabaliyo dawaantiis mar bay, daafta soo marine.
Inkastoon diqoonnoo sidii, digo naloo xaaqay
Wallee daguug nalaga yeel, dirindir leelleel ah,
Ama diillintaan maagannahay, dunidu ciiryaantay.
Intaas oo dunuub baan qabnaa, duug iyo cusaybe
Agoon daa’imo ah baa ku badan, dooshashkii Xamare,
Waxa ooryo diriglaa qalbigu, ii dawanayaaye.
Dacluustii ku haysiyo waxaad, dininig noo sheegtay,
Shiikhow haddaan wax isu deyey, taayadaa darane,
Noo soo ducee waxaad ahayd, sharaf ku doondoone!
ERAY BIXINTA
--------------------------------------------------------------------------------
[1] Daris =ris, caws adag oo gaagaaban oo dulka bannaan daboola.
[2] Dahar = daar, sar
[3] Daar =feero, saab
[4] Dacas =dhib, dandarro
[5] Diilalyo = qarqaryo, gabayoox, dhaxan
[6] Deddo = qabow badan
[7] Dugid = ebyoomid, dhammaansho
[8] Diiraabid = diirin, kululayn
[9] Qaw = tuulo bariga fog ee Soomaaliya ku taal
[10] Dabarow = ceel caan ah oo Mudug ku yaal, wuxuu u dhexeeyaa xeebta Iidaan iyo Xingod
[11] Dhudub = magaalo Gallaadi iyo Goldogob u dhexaysa, waxay ku taal Kiilka 5aad
[12] Dalleensi = sahlasho
[13] Dellegan = meel la’, wax u dhimman yihiin. Wuxuu tilmaamayaa boqorka.
[14] Diigdiigsi = qaab ay xayawaanka geesaha dheerdheer lihi u socdaan.
[15] Digriiryaan = dhaqdhaqaaq lala soo boodo
[16] Duunyoseeg = qof aan musqtaqbal lahayn
[17] Nin = madax
[18] Dubbo iyo Xiito = macagyo geela loo bixiyo
[19] Dooyo = col isku duuban
[20] Darmaan = fardaha dhallinta yar
[21] Dabdacalle = qori dhanka hoose dab ku leh korna caadi ka ah oo kolkii la qaado lagu gubto
[22] Adan = raxan libaaxyo ah
[23] Dhowre = maroodi weyn oo lab ah
[24] Qalanjo = Maroodiga yaryar ama kuwa dhaddig
[25] Daalac = caw cusub oo markaas baxday
[26] Nakhli = caw duug ah
[27] Dahasho = dhalid
[28] Dog =bog
[29] Doh = dhulka dixda ah oo biyuhu maraan
[30] Khayli = maro midabbo badan leh oo la huwan jirey
[31] Duuddi = dhammaan
[32] Doy = Kismaanyo
[33] Saaxil = Berbera
[34] Suuqad = siyaakhad, alaabada dumarku isku qurxiyaan sida dahabka
[35] Hangal = asay
[36] Weer = hangal, asay
[37] Dabuub = hadal, dood
[38] Tahan = in badan, in door ah
[39] Doog = nabar biskoodey oo soo labakacleeyey. Waa mirka uu gabayga khaliif ugu magac daray.
[40] Abshir-Haamaan Muuse
[41] Sarreeye Gaas Maxamed Abshir-Hamaan Muuse oo uu Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre inta xabsi ku ilaawey haddana ku taliyey in gabadhii uu qabay oo dalka Hindiya u dhalatay rag kale loo yeelo, ka dibna ay rag xukuumaddii ka mid ahi gurigeedii ku ordeen si ay fursadda uga faa’iidaystaan. Markaas xaaskii wadaadka maxbuuska ahi, iyadoo naxsan safaaraddii dalkeeda Soomaaliya u fadhidey magan gashay. Waxaa la tuhunsan yahay in ay arrintaasi ugu weyneyd sababaha keenay in uu Khaliif Darbadaaley ka jawaabo.
[42] Daawad = sar dheer oo dabaq ah oo ay Daraawiishtii Eyl ka dhiseen
[43] Giiro-dabataag = riyaha
[44] Barasaabkii Gobolka Bari ee xilligaas.
[45] Cananno = beeyo
[46] Sarreeye Guuto Cabdullaahi Shiikh Maxamuud Xasan, Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliya (1974-78).
Ereyfuryada iyo hordhacyada waxaa habeeyey Shaafici Xasan oo isla markaasna qoray labada gabay.
Waxaa MudugOnline soo gaarsiiyay Maxamed Xasan "Alto"