Madaxweynaha DGPL ayaa dhagax dhigey Isbitaal cusub oo loo dhisayo dadka Dhimirkooda wax u dhiman yahay kaas oo ku yaala duleedka magaalo madaxda DGPL.
Munaasadbadaan dhagax dhiga ah ayaa waxaa goob joog ahaa Gudomiyaha gobolka Nugaal, Gudoomiyaha degmada Garowe, madaxa hayáda daryeelka bulshada iyo mas'uuliyin sare oo kale.
Isbitaalkan oo dhismahiisa ka qayb qaadan doonaan dowlada Puntland iyo Ganacsato ayaa 20,000-kii dollar ee ugu horeysay waxaa baxshay Shirkada Dahabshil.
Maamulka cusub ee Puntland ayaa tan iyo intii uu xilka qabtey waxaa u suurta gashay in ganacsatada Puntland kasoo qayb galiyo hurumarka gobolka.
Ganacsatada Puntland kuwooda ku sugan Bosaso ayaa bilihii lasoo dhaafey balan qaadey in ay dhisayaan Isbitaalka Bosaso oo laga dhigayo Labo Dabaq halka shirkada Golis ay sameyneyso calaamadaha wadada dheer ee isku xirta Puntland