Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Postby The_Emperior5 » Wed May 27, 2009 6:26 am

26 May 2009 (14:05)

Codka Dhageeso
Dastuurka Puntland ay samaysteen Gobolada Waqooyi Bari, isla markaasna aan meesha lagu xusin Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Golihiisa Xukuumadda ayaa maanta u gudbiyey Golaha Wakiilada Dastuurka Cusub ee Puntland.

Bishan 24 teedi (24.05) ayaa Golaha xukuumadda Puntland ay ansixiyeen Dastuurka Cusub, waxa ayna isku raaceen in loo gudbiyo Golaha Wakiiladda si ay uga baaraan degaan isla markaas u ansixiyaan ama u diidaan.

Soo gudbinta maanta ayaa waxaa ka dhashey buuq iyo ismaandhaaf kadib markii lifaaq la socda dastuurka Puntland oo qeexaya xaaladda kala guurka ay ku caddahay in Puntland ay samaysteen Gobolada Waqooyi Bari, isla markaasna aan meesha lagu xusin Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana xildhibaanada ka soo jeeda Goboladaas ay sheegeen in aysan ka mid ahayn Puntland sida uu qeexayo lifaaqa dastuurku, waxaa meesha ka dhashey buuq ay ku sigteen in Xildhibaandu gacanta isula tagaan.

Hadaba halkee ka yimi Magaca Waqooyi Bari?
Soomaaliya waxa ay ka koobneyd 18 Gobol markii uu bur burey haykalkii dawladnimo 1991-kii, Goboladii markaas dawladdu ka duntey kuma jirin magac la yiraahdo Waqooyi Bari, waxaase kamid ahaa Gobolka Waqooyi Galbeed, marka laga yimaado magaca Gobolka, waxaa meesha ka muuqdaa waa Jiho haddaan Tusaale u soo qaadano Magaalada Bosaso waxa ay xarun u ahayd Gobolka Bari, haddii jiho ahaan la eego Bosaso kuma taalo Jihada Bari ee waxa ay dhacdaa Jihada Waqooyiga Soomaaliya ama Waqooyi Bari..

Magaca ah Waqooyi Bari ka hor bur burkii Dawladdii Soomaaliyeed waxaa mar mar isticmaaali jirey Gobolka Sanaag, laakiin Siyaasiga Gen.Maxamed Abshir Muuse ayaa magacan arkey in uu ku haboonyahay in ay wada isticmaalaan Gobolada uu markaas hogaanka u hayey, Gen.Maxamed Abshir waxa uu markaas u isticmaaley Gobolada ay deganaayeen dadkii isir wadaaga ahaa ee markii danbe samaystey Puntland, waxaase la yaab lahayd sida uu markiiba Caalamka magacaas uga gaday isla markaasna u noqdey mid rasmi ah oo loo isticmaalo.

Hadaba Axdigii Puntland ee la ansixiyey 1998 bishii shanaad, kaas oo lagu dhisey magaca Puntland ayaa lagu qeexay in ay ku midoobeen Gobolada Waqooyi Bari, Sool Sanaag iyo Deegaanka Buuhoodle, waxaa muuqata in ay ka weecdeen ergooyinkii axdiga dhisaayey qaabkii uu u isticmaaley Jananku magaca oo ay ahayd in ay ku qeexaan in Puntland ay ku midoobeen Gobolada Bari,Nugaal,Mudug,Sool,Sanaag Bari iyo Deegaanka Buuhoodle, sababtuna waa mar aan weydiiyey mid kamid ahaa ragii la shaqeyn jirey Jananka 1992-dii, ayaa ii sheegay in Waqooyi Bari loola jeedo in ka badan Bari, Nugaal iyo Mudug waxaana uu dallad u yahay ayuu yiri inta isir wadaaga ah oo dhan.

Waana midda keentay sida muuqata in aan si gaar ah Gobol loo xusin sida, Bari, Karkaar, Nugaal, Mudug, ama Sool, Sanaag iyo Cayn, balse la isku wada yiri Waqooyi Bari.

Qaladka ku Jira Lifaaqa Dastuurka
Waa hubaal in ay ilduuf iyo deelqaaf uu yahay in la yiraahdo Puntland waxaa dhistey beelaha Waqooyi Bari mar haddii axdigii ugu horeeyay sidaas si kaduwan loogu qeexay, mar haddii dadku jiho ahaan in loola jeedo magacan ee awalba aanu ahayn mid jirey aysan ku baraarugsanayn, waxaana xukuumadda la gudboon in ay dib u saxdo, raali gelina ka bixiso.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland
Xildhibaanadda buuqa iyo bulxanka ka keenay haddii aysan nidaamka jiho eegin ama magacu sida uu ku baxay, waxay ahayd in ay ka codsadaan in loo qeexo, waxaan filayaa Dr.Cabdi Xassan waa qoraa aad u yaqaana sooyaalka siyaasadeed ee Soomaalida, Shalay mar uu waraysi siiyey Horseed Media sidaas ayuu u dhigey qoraal ahaanse waxaan ku darney Sool, Sanaag Bari iyo Cayn sababtuna waxa aan ka raacney ujeedada Wasiirka.

Xildhibaanada ayaa sii wadan doona eegista Dastuurka cusub ayagoo dooda ka yeelan doona dastuurkan marka ay dhameeyaan akhrintiisa.

Dastuurkan ayaa ah mid muhiim u ah Puntland isla markaana ka saari kara nidaamkii qabiilka oo u furi kara nidaamka shacabku wax doorto.

Xigasho; Horseedmedia

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Postby The_Emperior5 » Wed May 27, 2009 6:41 am

Dastuurka cusub ee Puntland oo qeexaya in Puntland Gobolada waqooyi Barri samaysteen.
Warkii 27-May-2009 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk
Dastuurka cusub ee maamul Goboleedka Puntland ee hadda la horgeeyay Golaha Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu qeexayaa in Gobolada Bari,Nugaal iyo Mudug ay ku bahoobeen maamul Goboleedka Puntalnd ayna saddexdaas Gobol ay samaysteen maamulka Punland.


Dastuurkan oo hadda la horgeeyay Baarlamaanka Puntland kadib markii ay ansaxiyeen Golaha wasiirada ee xukuumada Faroole ayaa waxa ay horgeeyeeyeen Baarlamaanka Puntland kaas oo si wayn ugu abuuray gudaha Baarlamaanka Puntland buuq iyo sawaxan qaylo dhaliyay kaas oo qarka u saaray inay gacmaha isla galaan xusbnaha Baarlamaanku.

Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa si toos ah loogu cadeeyay Dastuurka cusub ee la doonayo in ay yeelato Puntland inaysan saddexdaasi Gobol aysan kamid ahayn ayna ku jirin iyadoo lagu cadeeyay in Gobolada Nugaal,Barri Iyo Mudug ay ku bahoobeen dhisida maamulka Puntland ee hadda ka jira saddexdaa Gobol.

Hordhac waa lifaaqii Dastuurka ee muranka dhaliyay:-


Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari, waxa ay ku guuleysteen in ay sameystaan maamul uu u dhameystiran yihiin Qaybaha Dawladda, taas ooo ka dambeysay, markii waxgaradka Gobollada Waqoooyi-Bari ay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe 15kii Maajo 1998kii. Bishii Agoosto 1998kii waxaa halkaas loogu walqalay dhisme maamul cusub oo ka mid noqda Dawlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan, kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka. Puntland waxay rumeysantahay in nidaamka Federaalka uuu yahay kan qura oo Soomaali isku raaci karto……

Arintan ayaa waxa si wayn uga cadhooday shacab waynaha ku dhaqan Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn iyagoo ay dadwaynuhun isla dhexmarayaan arintan cusub ee hadda ku qoran Dastuurka maamul Goboleedka Puntland iyagoo ku tilmaamay inay tahay arin dhaawac ku keentay jiritaanka Puntland iyo awood qaybsigii.

Hadaba guuda haan shacabka Puntland ayaa si wayn uhadal haya lifaaqa ku qoran Dastuurka Puntland ee qeexaya inay saddexda Gobol ee Sool,Sanaag iyo Cayn aysan kamid ahayn maamulka Puntland iyagoo dadwaynuhu ay xusayaan in meesha laga saaro arinkaasi Dawladuna raali gelin buuxda ka bixiso.

Afnugaal News Desk

info@afnugaal.com

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Postby gemini07 » Wed May 27, 2009 7:31 am

"Article 6 of the new Puntland Constitution makes that clear whatever the phrase Waqooyi-Bari means, it says:

Qodobka 6aad
DHULKA IYO SOHDIMAHA

Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag." :som:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Postby The_Emperior5 » Wed May 27, 2009 7:59 am

so the enire sool including caynabo and only parts of sanaag waaalida bal eeg :lol: :lol:

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Postby MrPrestige » Wed May 27, 2009 8:45 am

The_Emperior5 wrote:so the enire sool including caynabo and only parts of sanaag waaalida bal eeg :lol: :lol:






:lol: war heede what different is this constitution will make the point is somaliland will keep controlling it we wont give any land

User avatar
Cusmano
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 920
Joined: Sat Apr 18, 2009 2:38 am
Location: Qardho

Re: Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Postby Cusmano » Wed May 27, 2009 9:45 am

No you lying idors...they changing the name to mean north east which includes all the 7 regions as per usual..don't worry when i first read it yesterday..i was worried, but it's all good just re-name change..still all harti lands form the zone

User avatar
Cusmano
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 920
Joined: Sat Apr 18, 2009 2:38 am
Location: Qardho

Re: Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Postby Cusmano » Wed May 27, 2009 9:49 am

See they renaming the change because if the tfg becomes an effective national government, they cam go back to naming the area waqoyi bari as known under siyad days and the federal government will have to take on sland administration for it..it way of getting federal government troop support when needed especially considering the upgrade their doing with the military in the south...it is political strategy....

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Puntland new constitution doesn’t include ssc.

Postby MrPrestige » Wed May 27, 2009 1:47 pm

Cusmano wrote:See they renaming the change because if the tfg becomes an effective national government, they cam go back to naming the area waqoyi bari as known under siyad days and the federal government will have to take on sland administration for it..it way of getting federal government troop support when needed especially considering the upgrade their doing with the military in the south...it is political strategy....




war wad isku dexyacday take a break


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests