Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

11 new police cars to join For Bossaso Police Squad

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Cusmano
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 920
Joined: Sat Apr 18, 2009 2:38 am
Location: Qardho

11 new police cars to join For Bossaso Police Squad

Postby Cusmano » Thu May 28, 2009 9:28 am

UNDP oo Gaadiid ugu Deeqday Booliska Boosaaso
Thursday, May 28th, 2009 at 1:24 pm

Horseed Media
Boosaaso,

Hay’ada Horumarinta Qaramada Midoobay UNDP ayaa gudoonsiisay ciidamada booliska Puntland 11 gaari oo ay adeegsan doonaan ciidamada booliska.

Munaasabad lagu qabtey gudaha dekeda magaalada Boosaaso ayaa lagu wareejiyey masuuliyiin ka socotey maamulka gawaaridaasi oo isugu jire 10 gaari oo nooca Pick-up ah (ama xaajiyadaha dusha bannaan) iyo hal gaari oo shabaqle ah kaasi oo ah nooca lagu qaado maxaabiista.

Wasiirka amniga Puntland Gen C/laahi Siciid Samatar oo ka hadlay munaasabada laguna wareejiyey furayaasha gawaarida ayaa uga mahad celiyey hay’ada UNDP deeqda gawaarida ee la siiyey, waxaana uu wasiirku sheegay in ay aad uga yar yihiin baahida ay qabaan laakiin ay wax badan u tari doonaan booliska.

Wasiirka amniga waxa uu sheegay in gawaarida 11 ah ee lagu wareejiyey ay u qeybin doonaan saldhigyada booliska ee magaalada Boosaaso, si ay ugu qabsadaan hawlaha ay ciidamada qabtaan.

C/laahi Siciid Samatar, wasiirka amniga Puntland waxa uu sheegay in deeqda noocan oo kale ah ay horumarin karto adeegyada amaan ee ay wadaan booliska.

Gudoomiyaha gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yuusuf oo isaguna goob joog ka ahaa munaasabada gawaarida lagu gudoonsiinayey booliska ayaa kula dardaarmay saraakiisha booliska inay sare u qaadaan hawsha ay dadka u hayaan ee amaanka.

Waxaa munaasabada sidoo kale ka qeybgaley taliyaha booliska Puntland, masuuliyiin ka socotey hay’ada UNDP xafiiskeeda Puntland.

Waxaa deeqdan ay qeyb ka noqoneysaa deeqo hore oo booliska ay siiyeen hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ku hawlan hawlaha horumarinta.

Waxaana deeqda ay ku soo beegmeysaa iyadoo booliska Boosaaso ay waayadan wadeen hawlgallo amaan sugid oo ay ku beegsanayaan kooxaha ku lugta leh falalka amaan darida.


Source :http://horseedmedia.net/portal/somali/21887/

:clap:

Ahmed-Gurey
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 862
Joined: Tue Jan 23, 2007 9:08 pm
Location: RED SEA

Re: 11 new police cars to join For Bossaso Police Squad

Postby Ahmed-Gurey » Thu May 28, 2009 9:34 pm

Hay'adda UNDP oo Gudoonsiisey Gawaari Taliyasha Booliska ee Gobolka Sanaag iyo Bari

Bosaaso:-Hay'adda UNDP ayaa Gudoonsiisey Taliyasha Booliska Gobolada Sanaag iyo Bari Gawaadhi ah Nooca Booliska, waxaana Maanta lugu qabtay Xaflad Lugu Gudoonsiinayo Taliska Booliska Sanaag iyo Bari Gudaha Dekedaha Dekeda Magaalada Bosaso Ee Xarunta Gobolka Bari, xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Sarkiisha Sar Sare ee Hay'adda UNDP iyo Maamulka PL oo ay ka Jogeen Wasiirka Dekedaha iyo Wasiirka Amniga Maamul goboledka Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa ka Hadlay Xafladaasi lugu Gudoonsinayey Gawaadhida Gobolada Sanaag iyo Bari waxaana uu sheegay inay Talaabadani Mahad celinteda si wayn U Mudantahay Hay'adda UNDP oo si wayn ula shaqaynasa Gacansiinta dhinaca Gadiidka Booliska.

Masuuliyiinta Hay'adda UNDP ayaa sheegtay inay siii wadayaan dedaalada Dheraadka ah ee ay Dowlada Puntland Gacanta kaga siinayaan Ciidamada si ay waxbadan oo La Xiriira Amaanka ugu Fududaan ,Taliyaha Booliska Sanaag G/Sare Dabaq ayaa La Gudoonsiiyey 4 Gaari Xaajiyado 2 shirle ah oo ah Nooca qaaliga ah kaasi oo uu sheegay inuu waajibaadkiisa ku gudan doono isla markaasina waxbadan ay ciidamada Amaanku ku Fududaysanayaan Danohooda kaga aadan kaalinta Bulshada.

Maxamed Axmed CiisRadio Dhahar


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests