Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa maanta ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmanaa Maxamed Faroole, iyo Golaha Wasiiarada Puntland.
Kaldfadhigan ayaa waxaa maanta si aqlabiyad ah loogu ansixiyey loona meel mariyey dastuurka Puntland, sida uu u sheegay Horseed Media Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey 58 xildhibaan, kadib dood iyo niqaash muddo dheer soo qaatey.
Sadexdii Asbuuc ee u danbeysey ayaa golaha wakiiladu waxa ay ka doodayeen dastuurka cusub ee Puntland, waxaa sidoo kale arintan kala shaqeynaayey Shariciyaqaano, mase jirin wax qodobo ah oo ay soo bandhigeen in ay wax ka bedeleen ama ku dareen.
Ansixinta Baarlamaanka ee Dastuurka iyo Xukuumadda ayaa ahaa mid saxaafadda loo diidey waxaase markii danbe warfidiyeenka u waramay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.



