Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland "says no to foreign troops

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Puntland "says no to foreign troops

Postby sheekh-Farax-zero » Tue Jun 23, 2009 6:07 am

--------------------------------------------------------------------------------
Garowe: " Marna raali kama nihin in Ciidamado Shisheeye la keeno Soomaaliya" Bayaan ka soo baxay Siyaasiin, Aqoonyahano, Saraakiil ciidan iyo Ganacsatada Puntland.
21. juni 2009

APL

Garowe(AllPuntland)- Qoraal looga hadlayay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho oo ay soo saareen Siyaasiin, Aqoonyahano, Saraakiil ciidan iyo Ganacsatada ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa ka soo baxay magaalo Madaxda dowladda Puntland.

Dadka soo saaray bayaankan ayaa gaaraya 12 qof oo iskugu jira dhinacyada kala duwan ee Bulshada Puntland, ayagoo mid mid usoo qaaday xaaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha caasumada Soomaaliya.

Axmed Siciid Aw-Nuur oo ahaa wasiirkii hore ee Waxbarashada ee Puntland ayaa wariyaasha usheegay in ay ujeedadoodu tahay sidii ay baaq ugu jeedin lahaayeen dhinacyada kudagaalamaya magaalada Muqdisho, oo uu sheegay in ay deg deg ku joojiyaan dirirta ay markan abaabulayaan.

" Marnaba raali kama nihin dagaal dhaca, waxaana leenahay hadii aan wax laga qaban dagaalada hada socdaa, waxa ay galaafan doonaan dad badan noloshooda, isla markaasna waxa ay hor seedayaan in dalka Soomaaliya oo dhan uu burburo oo gacanta loogaliyo Dowlado Shisheeye" ayaa lugu yiri baaqan ka soo baxay Dhinacyada kala duwan.

Wasiirkii hore ee Macdanta Puntland Xasan Cismaan Alloore ayaa usheegay AllPuntland in aysan ujeedadoodu aheyn in ay lakala safan yihiin dhinacyada kudagaalamaya caasumada Soomaaliya, balse wuxuu tilmaamay in ay ka talinayaan aayaha dalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu waajib ka saaran yahay.

Mr. Alloore ayaa wax laga xumaado ku sheegay in aysan marnaba yeeli doonin in ay ciidamado Shisheeye yimaadaan dalka Soomaaliya, kuwasoo uu sheegay in ay dhibaato ba'an ku hayaan dalka Soomaaliya, wuxuuna diiday haba yaraatee in wax ciidan ah Ajnabi ah oo hor leh la keeno dalka Soomaaliya.

" Marnaba mayeelayno in ciidan Shisheeye la keeno Soomaaliya, waayo waxa ay dhibaato xun ku tahay jiritaanka iyo qaranimada dalka Soomaaliya, waxaana filayaa in aan waxba faa'iido laga helayn oo ay waajib tahay in ay dhinacyadu iskaga tanaasulaan arimahaasi" Ayuu yiri Xasan Cismaan Alloore.

Bayaanka ayaa ugu baaqaya dhinacyada dagaalamaya in ay joojiyaan dagaalada ayna raacaan wadiiqo kasta oo wax looga qaban karo xaalka Soomaaliya, waxaana loogu baaqay wada hadal aysan joogin wax aan Soomaali aheyn oo lugu qaban doono meel ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana qoraalka lugu qoray in meel ka baxsan Soomaaliya aan la ogolaan karin in lugu qabto shir dambe oo ay Soomaali leedahay/

Dadka soo saaray bayaanka waxaa ku jira Aqoonyahano, Siyaasiin ay ka mid yihiin Xasan Cismaan Alloore, Axmed Siciid Aw-Nuur, Cabdi-nuur Cilmi Biindho, Cali Cabdi Awaare, Aqooyahano, Saraakiil ciidan iyo ganacsato oo dhamaantood saxiixay sida ku cad waraaqo lasiiyey Warbaahinta baaqan.

F. C. Geylan
AllPuntland

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests