Puntland Oo laysaga diyaarinayo xuska 1-AUGUST iyo Dowlada puntland Oo qaban qabadeeda heegan sarre ugu jirta >>>>
abdirahmaan Mohamed koronto
allidamaale.com-(xafiiska-Somalia-Garoowe)
Khamiis 09 Jul 2009
Garowe-(Allidamaale):-Dowlada Dimuqaraadiga ee Puntland ayaa Maalmahaan Oo dhan ku mashquulsan xuska maalinta Wayn ee 1 bisha siddeedad, Maalintaas oo ah maalintii dhidibada loo Taagay Dowlada puntland, Masuuliyiinta kala duduwan ee xukuumada puntland ayaa baqyo kala duwan ka soo saaray Sidii ay ugu diyaar garoobi lahayeen Shacab Waynaha reer puntland malintii la as aasay oo la unkay Jiritaanka Puntland.
Digreeto aya Soo saartay xukuumada punltand Oo Saxaafada loo qaybiyey ayaa Waxaa lagu baahiyey Warbahinta Puntland Oo dhan Taas oo la doonayo in dadka lagu dhiiri geliyo Sidii ay isu diyarin lahayeen dhamaan Muwadiniinta reer puntland meelkasta ay joogaan Waa in ay u diyaaar garoobaan xuska maalinta ka soo Wareegtay sanad guuradii 11-aad ee puntland.
Dowlada puntland ayaa intii ay jirtay Waxay Soo Martay Marxalado kala duwan Waxana La asasay Sanadii 1998 bishii Sidedad 1-dii Wakhtigaas Oo Cabdulaahi yusuf ka noqday Madaxweynihii Koowaad ee Puntland Dowlada Puntland ayaa Waxaa soo doortay odoyaasha dhaqanka Waxayna ahayd mudadii 11-ka sanno ahayd Maamul lagu qaybsado xukunkiisa hab beeled, hasse ahate puntland haatan Waxay Gaadhay xili laga guuro habkaasi beeleedka ah, Waxaana la gaaray had dimuqradiyada Oo ay shacabku Wax dooran doonaan Waxna casili karaan, Waxana meesha ka baxaysaa 66 xubnood ee barlamaanka ee Dadka meteli jiray.
Isku Soo Wadda duub Diyaar Garoowga Maalintaasi ayaa Laga dareemayaa puntland Oo dhan ayagoo Wax Garadka iyo masuulyiinta intaba ay ku jiraan Sidii dadka loo fahan siin lahaa xusitaanka maalintan, Siddoo kale xukuumada puntland ayaa Waxay Wadda Sidii loo xusi lahaa dadkuna ay u weyneen lahayeen qiimaha ay ugu fadhido maalintani Shucuubta punltand.
Allidamaale.com
Your Reliable Sources
Source:http://allidamaale.com/July/warka1537.htm
To sheikh farax zero, Puntland Government is sending out bulletins to ppl inside puntland and outside of puntland to prepare for August 1 Celebrations. So it will occur and also Puntland Government is going to start educating the ppl about the importance of that day and it's remembrance is definitely required.
So i hope that answers your question about Puntland ignoring August 1. Not this Year or any year after this.





