Singing Puntland New State Anthem(From What I Read)
Source:http://horseedmedia.net/portal/somali/25484/
Sharmarke Mohamed
London, UK
Madaxweynaha Puntland Mudane Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo booqasho ku maraayey todobaadyadii la soo dhaafey wadaanka Maraykanka ayaa habeenkii xalay soo gaarey dalka Ingriiska Caasimadiisa London. Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyey qaar ka mid ah Golaha Wasiirada sida Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose Gen.Cabdullaahi Axmed Jamac (Ilkojiir), Wasiiru dawlaha Dimoqraadiyeynta iyo Arimaha Federaalka, Dr.Cabdi Xassan Jimcaale, waxaa sidoo kale wefdiga ka soo horeeyay Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Farax Dhalac.
Jaaliyadda Puntland oo isku duuban ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha, kadib waxaa wefdigiisi loo galbiyey halkii ay ka degi lahaayeen Magaalada London.
Waxaa caawa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey loogu qabtey Madaxweynaha iyo wefdigiisa Magaalada London, waxaa ka soo qaybgalay dad aad u badan kuwaas oo isugu jira dhamaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Puntland ayaa halkaas ka jeediyey khudbad aad u dheer taas oo Radio Horseed Media si toos ah uga tabinaayey goobta xafladda, Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey xaaladda Soomaaliya ay soo martey iyo sida ay maanta tahay iyo sababihii lagu asaasey Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr.Faroole ayaa ka hadley safarkiisi Maraykanka waxa uu sheegay in uu guul ugu soo dhamaadey waxbadana ay la qabanayaan dawladda Maraykanku shacabka iyo dawladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu dalka Biritan joogi doono muddo gaaban halkaasna uu kulamo kula qaadan doono madax sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Biritan.
Mar uu ka hadlaayey Madaxweynuhu Mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland ayuu sheegay in uu donaayo hirgelinta nidaamka Xisbiyada badan taas oo dastuurka cusub ee sugaaya afdida dadweynaha uu qabo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay xiriir wanaagsan leeyihiin dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu raysalwasaaraha ka yahay Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaase jira ayuu yiri kuwo badan oo ka mid ah xukuumadda Federaalka kuwaas oo aan dooneyn nidaamka Federaalka ah.
Ugu danbeyntii waxaa xafladda lagu soo bandhigay bandhig faneed, waxaana goobta laga qaadey hees loogu magacdaray Puntland ku dayo, taas oo aad loola dhacay.
Xafladda oo jawi wanaagsan ku soo dhamaatey ayaa waxaa soo gunaanadey Gudoomiyaha qabanqaabada Maxamed Faarax Shiike, waxaana uu u mahad celiyey kasoo qaybgalayaashii xafladda.
Source:h[url]ttp://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wa ... eyey.shtml[/url]
Puntland The Future Of Somali Dreams. Just recieved US as an Ally...The E.U...And Now we are going to get the u.k parliament to say "we support puntland"
The only hope i have for any somali place is the north-east corner of somalia. Nowhere else has anything i want or need. Bury me next to my grandfather in garowe...