Siyaasadda dowladda Puntland ee xilligan waa mid ku dhisan wada tashi iyo go’aan wada qaadasho, dhamaan gollayaasha Puntland, sidaas darteed ayaa waxaan jirin wax heshiis oo sharciyeysan oo dowladda Federaalka iyo dowladda Puntlan isla meel dhigeen, ama wada shaqayn iyo is faham labada dhinac wada yeesheen.
Waxa keliya oo jira oo dowlada Puntland ku dhegan tahay nidaamka Federaalka e ku qeexan Dastuurka Federaalka eek u Meel gaarka ah, oo Nasiib daro la moodo in beryahan mugdi la gelinayo.
· Waxay dowladda Puntland qiraysaa inay waxyaabo badan oo jira ku saluugsan tahay DFKM ee iminka jirta.
· Xukumada Puntland si cad weli looguma war gelin imaanshaha Ra’iisul Wassaraha DFKM.) sida ay warbaahinta Soomaalidu qaarkeed sheegaan).
· Dowladda Puntland waxay mar kale ku baaqaysaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaaladda iyo Colaadaha ka socda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Caasumadda Muqdisho., lana isugu wada yimaado miiska wada hadaladda. Si xal loo gaaro. Taasoo ay Puntland diyaar u tahay inay qayb weyn ka qaadato, gogolna u fidiso walaalaha Soomaaliyeed ee dhiigoodu isku daadanayo.
Ugu dambayntii marwalba Puntland waxay u taagan tahay in Soomaaliya ahaato, kuna dhaqanto nidaam Federal ah sida ku qeexan Axdigii la isku waafaqay Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu soo yagleeday DFKM.





