[7/13/2009] Xafladii soo dhawaynta Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland ee jaaliyada sanaag
Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee
Waxaa maanta oo bishu tahay 12/07/09xaflada aad loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweeyay wasiirka arimaha gudaha iyo dawladha hoose ee maamul gobeleedka puntland cabdulaahi axmed jaamc( ilko jiir) lagu qabtay Waqooyiga Magaalada London xaafada Soomaalidu ku badan tahay ee Southall
Xafladaan oo ay soo qaban qaabiyeen xubno kamid ah jaaliyada qurbo joogta ee Gobolka Sanaag ayaa waxaay u dhacday si heer sare ah ,iyada oo micnaheedu ahaa soo dhawayn iyo dhiiri galin Wasiirka loo samaeeyay ayaa waxa meesha isugu yimi xubno badan oo ka mid ah jaaliya sanaag ee UK
Xafladan oo lagu furay quraanka kariimka ah ka dib, ayaa waxa halkaa ka hadlay Cali guray dirir oo ahaa masuul sare oo la soo shaqeeyay mamuladii ka horeeyay maamulka hada talada haya ee puntland ahaana masuul ka tirsan maamulka dekeda Boosaaso ,Cali waxa uu hadal yar oo isbar bar dhig ah ka sameeyay maamuladii hore iyo maamulka cusub waxa kale oo uu talo ka bixiyay sida dalku ugu baahan yahay dad aqoon leh oo wax ka qabta iyo in wadankii dib loo eego,
Waxaa hadalka lagu wareejiyay gudoomiye ku xigeenka jaaliyada Sanaag ee UK yuusuf cali fanax oo isna halkaa ka soo jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan jaaliyada dibada iyo siday u garab taagan yahiin maamulka cusub ee ka hir galay Puntland ,
Intaa kadib waxaa hadalkii la wareegay oo khudbadiisii la dhegaystay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dawladaha hoose GEN cabdulaahi axmed jaamc (ilko jiir) khudbadaas oo ahayd khudbad aad u xiiso badan oo saamaynaysay dhamaan xaalada dalka soomaaliya maraayo dhinac kasta ,abaaraha, siyaasada oo ah gudaha puntland iyo gebi haanba Soomaaliya, aafada Burcad badeeda ,Safaradii dawlada ee dibada gaar ahaan Ameerika, iyo dhaamaan wax qabadkii mudadii lixda Bilood ee Maamulkooda iyo ka horba intaan doorashadu dhicin,
Gebegebdii kulanka yaa waxa uu ku dhamaaday farxad iyada oo halkaa marti sharftii soo xadirtay ay su'aalo ku waydiiyeen Wasiirka ,Wasiirkuna uu uga jawaabay.
m c urcad allsanaag.com
war gelin waxaan dib idiinka soo gelin doonaa khudbadii wasiirka iyo sawiro
Source:http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=4671
Excellent news for reer sanaag and the welcoming they gave ilkojir. Was it neccessary?







