Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Al-Jaabiri
20 Jul 20, 2009 - 3:09:22 PM
Madaxweynaha Puntland & Wasiiradiisa oo la kulmaya Al-jabiri
Madaxweynaha Puntland iyo wasiirada ku weheliya safarka uu ku joogo wadanka Imradka carabta ayaa hotelka uu ka dagan yahay Sharjah kula kulmey ganacsade Al-Jaabiri oo wax ku leh maxjarka magaalada Bosaso ee MGPL.
Maxjarka oo ah xarun lagu kala sooco xoolaha ka dhoofa Bosaso qaarkood kuwooda caafimad qaba iyo kuwa jiran ayaa waxaa shirkad ku ah Imarada Ra'asu khaymah, ganacsade Sucuudiga ah ee Jaabiri iyo mamaul goboleedka Puntland oo khidmad ka qaada Xoolahaas.
Ganacsade Jaabiri
Madaxweynaha Puntland, Wasiirada iyo Ganacsade Jaabiri ayaa aad isula jeex-jeexey qaabka shaqo ee Maxjarka iyo lacagaha laga qaado ganacsatada Xoolaha ka dhoofsata iyada oo sidoo kale laga hadley saamiyada ay kala leeyhiin ganacsatada carabta ah ee ku shirkowdbey Maxjarkaan.
Mud.Farole oo hadal ka jeediyey kulankaan ayaa carabka ku adkeeyey in loo bahan yahay in la helo qaabkii ganacsatada Puntland loogu mideyn lahaa maxjarkaan iyada oo la dhimayo saamiyada qaybaha ku midoobey Maxjarkan.
Xukumada uu madaxda ka yahay Madaxweyne Cabdiraxman Farole ayaa marki xukunka qabatey ku baaqdey in ay dib-u-eegis ku sameyneyso dhamaan heshiisyadii ay sixiidey dowladii ka horeysay.
Madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ayaa kulamo la qaadnaya madaxda Ra'azul Khaymaha oo qayb ka ah saamileyda Maxjarka iyada oo sidoo kale qorsheynaya in kulamo la yeeshaan shirkadaha shidaalka oo heshiis muran siyaasdeed dhaliyey la galey Xukuumadii Cadde Muse.
Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Puntland
Source:http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_la_kulmey_Al-Jaabiri.shtml






