Beesha Reer Bicidyahan oo kalsoonida kala noqotay, kana baxday maamulka Puntland ka jira
KU: Maamulka Puntland
KU: Waxgaradka reer Puntland
Og: Dhammaan saxaafadda madaxbanaan
Beesha reer Bicidyahan ka dib markay aragtay dilkii bareerka ahaa ee siyaasad ahaan loogu dilay allaha u naxariistee Wasiir Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Bannaanka), waxay gaartay go'aamo deg deg ah:-
1. Inay ka baxday guud ahaan maamulka Puntland laga bilaabo maanta oo ah 5/8/09 ma aqoonsana wax maamul dawladeed ah oo ka jira Puntland.
2. Beeshu ma aqoonsano wax la yiraahdo gudoomiye gobol iyo maamul ka jira habayaraatee magaalada Gaalkacyo.
3. Dilka loo gaystay Warsame Cabdi Shirwac waa mid siyaasadeed oo laga soo abaabulay Garoowe iyo Gaalkacyo uuna fuliyey nin ay walaalo yihiin gudoomiye ku sheega gobolka Mudug.
4. Dhammaan dagaalyahanada, ciidamada iyo waxgaradka beesha waxaa laga codsanayaa inaysan habayaraatee ku dhaqaaqin wax aargoosi ama dil qabiil ah waayo reerka ay kasoo jeedeen nimanka dilka gaystay uma wada dhama dhibka la gaystay, mana haboona in la iska dilo qof ehel ah oo aan waxba galabsan. Mas'uuliyada dilka Warsame iyo nadaamka siyaasadeed ee lagu dilay waa la yaqaan dadka soo abaabulay iyo kuwa fuliya intaba.
Sidaasi darteed waa inaan khalada iyo aargoosi laga gelin reer Khalaf ama
beelaha kale ee dega Mudug.
5. Ciidamada beesha ee ku sugan gobolka, Qaloocan, Galaadi, Xamar iyo Kismaayo waa inaysan ku dhaqaaqin wax dagaal ah ilaa inta beeshu go'aam kama danbays ah ka qaadanayso dadkii dilay Marxuum Warsame.
6. Saxaafadda waxaa laga codsanayaa inay ka fogaadaan wax kasta ee keeni isku dhac beeleed.
7. Beesha ay kasoo jeedaan nimanka wada dilay waa inaysan isku dayin abaabul dagaal kaasoo haddii ay isku dayaan ay halaag iyo cawaaqib xumo kala kulmi doonaan beesha reer Bicidyahan.
Ugu danbayntii meel kasta oo ay joogaan dadka ku abtirsada beesha Reer Bicidyahan waa inay iska ilaaliyaan aano qabiil dil ugu gaystaan dad aan waxba galabsan. Wixii tilaabo laga qaadaayo dadka dulmiga dhiiga ku gaystay waxgaradka iyo mas'uuliyiinta beesha ayaa dhowaan ka gaari doonaa insha-allah.
Ahmed Yusuf Ali
Gudoomiyaha gudiga badbaadinta
iyo horumarinta beesha reer Bicidyahan
ayusuf1@live.co.ukAllgedo News Media Network