Kulankan oo ahaa mid ay wasaaradu ku soo bandhigaysay deeqada waxbarasho ee ay ka heshay wadanka Sudan iyo waliba ardaydii xaqa u yeelatay ee ku guulaystay kuwaas oo ahaa 17-kii arday ee ugu saraysay.

Dr.Cali Cabdulaahi Warsame oo ah Madaxa Tacliinta Sare ee Wasaarada ayaa kulankaas ka sheegay in ardaydan ay yihiin kuwii ugu sareeyay Dugsiyada sare ee Puntland, waxaana uu sheegay Cali Cabdulaahi in ay Wasaaradu uga danleedahay kulankan in ay banaanka usoo dhigaan shacabka reer Puntland deeqaha waxbarasho ee dibada laga helo si uu u muuqdo waxqabadka Wasaaradu.
Dr.Cali Cabdullaahi Warsame waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ay wadamo badan tageen oo ay kalasoo hadleen sidii Ardayda reer Puntland ee dugsiyada sare dhamaysa loogu helilahaa tacliin sare oo ay aqoontooda kor ugu siiqaadan.





