Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland oo codsatay inay hogaamiso la dagaalanka Burcad bad

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Puntland oo codsatay inay hogaamiso la dagaalanka Burcad bad

Postby sheekh-Farax-zero » Wed Aug 19, 2009 7:22 am

Dowlada Puntland ayaa la sheegay in ay ka codsatay dowlada Soomaaliya, in kaalinta la dagaalanka burcad badeeda ee Soomaaliya, ay dowlada Puntland hogaanka u qabato.

Wararka kasoo baxaya wadahadalka Dowlada Federaalka iyo Puntland ee magaalada Gaalkacyo ka socda, ayaa sheegaya in Dowlada Puntland qeexday in arrimaha Burcad badeedka Soomaaliya ay inta badan dhulkeeda ka dhacaan, sidaa daraadeedna ay la wareegto dhamaan qorshayaasha la dagaalanka Burcad badeeda ee dalka Soomaaliya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan bilowday tababaro ay sheegtay inay siineyso ciidamada illaalada bada, waxaana horey u jiray qorshe caalami ah oo dowlada Soomaaliya loogu balan qaaday dhaqaale kor u dhaafaya 200 oo milyan oo Dollar, oo loogu talo galay amniga gaar ahaan la dagaalanka Burcad badeeda iyo sameynta ciidamo Qaran.

Dowlada Puntland ayaa hada u muuqata inay dooneyso inay la wareegto arrimaha la dagaalanka burcad badeeda, middaasi oo keeni karta in dhaqaalaha loogu talo galay arrimahaasi la dagaalanka burcad badeeda dhinaca Puntland loo wareejiyo.

Ma jiraan wax tafaasiil rasmi ah oo kasoo baxay weli wadahadalka oo socda, ayadoo ay jiraan guddiyo sadex ah oo ay labada dhinac ee Federaalka iyo Puntland laga xulay kuwaasi oo ka munaaqashoonaya arrimaha badan ee labada dhinac ka wadahadlayaan.

Waxaan asaguna ka maqan Wafdiga Dowlada Federaalka iyo wadahadalkan Gaalkacyo ka socda, Ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda: Prof. Cabdi-raxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi) oo asagu horboodayey ololaha ay dowlada Federaalka caalamka uga codsatay dhaqaalaha iyo taageerada dhinaca la dagaalanka burcad badeeda.

Dhinaca kale Dowlada Puntland ayaa dood weyn ka keentay adeegsiga magaca (Dowlada Midnimo Qaran), magacaasi oo ay dowlada Puntland sheegtay inuu meel ka dhac ku yahay Dastuurka Federaalka Soomaaliya ee dowlada Puntland qeyb ka tahay.

Wararka kasoo baxaya kulanka ka socda Gaalkacyo ayaa sheegaya, in Wafdiga uu hogaaminayo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ayagu sheegay in eraygaasi saxaafada ka maqleen, isla markaana aysan ogeyn meel magacii looga bedalay dowlada Federaalka Soomaaliya.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest