Shabelle: GAALKACYO
Odayaasha gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyay islamarkaana soo afjaray Mudanayaasha golaha deegaanka oo xulashadooda ay wadeen kuwaaso hoos imaanaya Maamul goboleedka Puntland.
Nabadoonada gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u soo dhamaystiray soo xulashada Xildhibaanada kamid noqon doona golaha deegaanka ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug oo mudo 7-aad ah ay ku howlanaayeen.
Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland ahna gudoomiyaha guddiga ansixinta Xildhibaanada golaha deegaanka C/laahi Saciid Samatar oo shalay gelinkii danbe Shirjaraa’iid ku qabtay Hotelka Taar City ee ku yalaa duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa uu kaga war bixiyay halka ay u marayaan dadaaladii Odayaasha dhaqanka ay ku soo xulanayeen Mudanaayasha kamid noqondoona golaha Shacabka ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Wasiirka amniga ee Maamulka Puntland C/laahi Siciid Samatar waxa uu sheegay in dhamaanba Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega gobolka in ay soo dhamaystireen soo xulashada Xildhibaanada uga mid noqon doona golaha deegaanka.
C/laahi Siciid Samatar waxa uu intaa ku daray in hada uu xirmay liiska soo gudbinta Xildhibaanada islamarkaana maalinta Sabtida ay si rasmi ah u bilaaban doonto kala xulashada Xildhibaanada la soo gudbiyay iyadoona la raacayo sharuudaha u yaala golayaasha deegaanka iyo waliba shuruudaha looga baahanyahay qofka Xildhibaanka noqonaya.
Golaha cusb ee hada loo dhisay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ah kuwo inbadan ka duwan kuwii hore marka la eego habka xulashada iyo shuruudaha mudanaha lagu qaadandoono oo ay kamidyihiin aqoonta,hantida uu haysto,waayo aragnimadiisa shaqadan loo dhiibayo, iyo sumcada uu bulshada ku leeyahay.
Arintan ayaa waxa ay ku soo aadaysaa iyadoo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug uu ku suganyahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo masuuliyiinta sar sare ee maamulka Puntland oo uu kamid yahay Wasiirka Caafimaadka Bashiir Cali Biixi iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole iyadoona dhanka kale ay jiraan falal amni daro ah oo lagu waxyeeleenayo dadka rayidka ah iyadoona falkii ugu danbeeyay xalay lagu waxyeeleeyay mid kamid ah nabadoonada dega gobolka Mudug.



