Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Negotiations continue between Federal govt, Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Negotiations continue between Federal govt, Puntland

Postby Aseelah-Raaida » Sun Aug 23, 2009 6:09 am

Somalia: Negotiations continue between Federal govt, Puntland
22 Aug 22, 2009 - 3:24:05 PM


GALKAYO, Somalia Aug 22 (Garowe Online) - Negotiations between Somalia's Transitional Federal Government (TFG) and the Government of Puntland State in northern Somalia are continuing, Radio Garowe reports.

There are some sticking points in the TFG-Puntland negotiations, which began last week in the city of Galkayo, where Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake's TFG delegation is visiting for the first time since the new TFG came to power in January 2009.

Puntland President Abdirahman Mohamed "Farole" and senior members of his administration are also in Galkayo for the talks.

The two sides have decided to form three "joint committees," but the political committee, which includes Prime Minister Sharmake and President Farole, has been attempting to reach a solution on two key sticking points, inside sources said.

The government of Puntland has requested that it be allowed to enter into agreements with international aid agencies in relation to humanitarian matters and commercial deals with foreign companies to advance the region's economic development.

Puntland's leaders say they want the state to continue on an independent path to security and economic development until Somalia's federal constitution is ratified and passed in a public referendum.

Secondly, Puntland's government has asked the TFG to include Puntland officials on international travels and meetings with the international community, the sources added.

According to Puntland officials, the reason for this is that the process to establish the new TFG in January following conclusion of the Djibouti peace talks excluded Puntland, allowing President Sheikh Sharif's political supporters to "appoint" lawmakers in Somalia's expanded parliament for every region, including Puntland, without consulting local powers.

Currently, the TFG controls of a few neighborhoods in Mogadishu and enjoys some limited support in other regions of Somalia. Most regions in south-central Somalia are ruled by Islamist insurgent groups, Al Shabaab and Hizbul Islam.

Puntland, which is roughly the landmass of one-third of Somalia, has been a key supporter of federalism and the TFG in Mogadishu since 2004.

Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Negotiations continue between Federal govt, Puntland

Postby Aseelah-Raaida » Sun Aug 23, 2009 6:11 am

Gaalkacyo: Dowladda Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday goor dhaw.
23. august 2009

APL
Tool

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
Print This Article | Daabaco warkaan
Gaalkacyo(AllPuntland)- Wada hadalo maalmihii ugu dambeeyey ka socdey magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug una socday dowladda Puntland ee martida loo yahay iyo dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw lasoo xiray, waxaana wada hadaladaasi ka soo baxay heshiis ka kooban 15 qodob oo ay saxiixeen dhinacyada kala gedisan.

15-ka qodob ayaa khuseeya xaaladaha ay labada dhinac isku hayeen maalmihii ugu dambeeyey, isla markaasna hada ay si rasmi ah usaxiixen Madaxda dowladda Puntland iyo kuwa dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Qodobada lasaxiixay waxaa ugu muhiimsan amaanka, Siyaasada, Awood Qeybsiga kala duwan ee ku saleysan Axdi Qarameedka dowladda Soomaaliya, Horumarinta Caalamiga ah oo ay qeyb hesho Puntland iyo arrimo kale oo ku saabsan Siyaasadaha dalka Soomaaliya.

Heshiiska oo hada lasa saxiixay waxaa saxaafada usoo bandhigay xubno ka tirsan dowladdaha Puntland iyo Faderaalka, ayadoo ay joogeen goobta Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud iyo Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake.

Puntland ayaa sheegtay in ay wada hadalo guul gaareen, ayna gaareen muhiimadii heshiiska, ayagoo sheegay in ay waqti badan ulumiyeen arrimahaasi, dhinaca kalena dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ku faraxsan tahay heshiiska maanta la gaaray.

AllPuntland oo heshay nuqul ka mid ah qoraalada lasaxiixay ayaa goor dhaw idiin soo gudbin doonta qodobadii oo saxiixan.

F. C. Maxamed
AllPuntland


:clap: :som:

Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: Negotiations continue between Federal govt, Puntland

Postby Aseelah-Raaida » Sun Aug 23, 2009 7:28 am

Raysalwasaaraha dalka Soomaaliya Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo wareysi khaas ah siiyey Horseed Media ayaa ka waramay wadahaladii Gaalkacyo ee u dhaxeeyey wafdigiisa iyo Dowlada Puntland.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo markii ugu horeysay saxaafada wareysi kasiiyo shirarkii Gaalkacyo, ayaa uga waramay Horseed Media waxyaabihii ay uga wadahadleen kulamadii uu la yeeshay madaxda Puntland.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo aan marka ugu horeysa wax ka weydiinay safarka uu ku yimid markii ugu horeysay Puntland waxaa uu salka ku hayo ayaa sheegay.

“….imaantinka aan halkaan imaaday wuxuu xambaarsanaa, wadatashi, xiriirka Federaalka, in la xoojiyo xiriirka Puntland iyo Galmudug iyo Federaalka….” Ayuu yiri Raysalwasaaraha oo intaasi ku daray in hada wixii ka danbeeya uu rajeenayo inuu hagaagsanaan doono xiriirka u dhaxeeya Dowlada Puntland iyo Federaalka.

Waxaanu Raysalwasaaraha weydiinay halka uu salka ku hayo murranka la sheegay inuu ka dhex dhashay wafdigii uu hogaaminayey ee Federaalka iyo Puntland oo codsiyo ay soo jeedisay la isku afgaran waayey.

Waxaanu si gaar ah u qeydiinay labada qodob ee Puntland codsatay ee ah:

- In Puntland wafuud ku darsato Safarada dowlada Federaalka
- In Puntland ay u madax banaanaato heshiisyada caalamiga ah

Raysalwasaaraha ayaa sheegay in arrintaasi si khaldan loo fasiray, isla markaana wadahadalka u dhaxeeyey ayaga iyo Puntland uu ahaa mid jawi aad u wanaagsan ku dhacayey, isla markaana waxa la isku heystay ay ahayd habka loo dhigayo, qoraalada ama heshiisyada labada dhinac, ayadoo loo eegayo Axdiga Federaalka iyo Dastuurka Puntland u yaal.

“…waxaanu ka doodnay waxa ay u yeelan karto dhinaca Sharciga sida uu u tabaanayey Axdi Qarameedka iyo dastuurka Puntland…..” ayuu yiri Raysalwasaaraha oo sheegay in hada ay arrimahaasi ka wadahadleen isla markaana ay hada is af fahmeen ayaga iyo mas’uuliyiinta Puntland.

“….Waxaanu rajeenaynaa inaan dhawaan wada saxiixo heshiisyada, intaanan ku noqon magaalada Xamar…” ayuu yiri Raysalwasaaraha oo ka dhawaajiyey inay usii socdaan wadahadalkii labada dhinac oo ay dhawaan soo afmeeri doonaan.

Raysalwasaaraha oo ka hadlay xiriirka siyaasada iyo wixii ay ku heshiiyeen Puntland iyo ayaga, yiri

“….Runtii xiriirka siyaasadeed hada sidii hore waa ka wanaagsan tahay….waxayna illa tahay wax wadaqeybsigana….Wada nka Soomaaliya wixii soogalana maaha hal meel…wixii soo galana wadanka loo qeybiyo guud ahaan…sida uu qeexayo Axdi Qarameedka….waxaana rajeenayaa inaysan imaan doonin wax kale oo murran keena…insha allah…”

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaan weydiinay in khilaafyada iyo xiriir xumaanta hada ka dhexjirtay Puntland iyo Federaalka ay salka ku heysay ama ku hayn karto, arrimihii ay horey dowlada Puntland uga cabatay ee ahayd adeegsiga erayga MIDNIMO QARAN, ayuu ku jawaabay;

“….maya runtii waa jirtay waxyaabo Tuhun iyo wel wel ay ka muujisay erayga Midnimo Qaran…Maaha midaas maaha mid wax ka bedalaysa Nidaamkii Axdi Qarameedka Nairobi 2004,,…illaa iyo hadana Xafiiskeyga Waraaqaha ka baxa kuligood waxaa ku qoron Federaalka iyo Axdi Qarameedka….marka arrintaasna waanu u sheegnay…wayna ku qanceen (Puntland)…” ayuu yiri Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid

Goorta la filan karo in Puntland iyo Federaalka ay kala saxiixdaan, ayuu Raysalwasaaraha ku jawaabay in goor dhow ay wada saxiixan doonaan kahor inta aysan ku noqon magaalada Muqdisho.

Galmudug

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid oo ka waramayey kulamadii uu maanta iyo Shalay la yeeshay mas’uuliyiinta Galmudug oo uu kula kulmay Koonfurta Gaalkacyo, ayuu sheegay in si diiran oo fiican loogu soo dhaweeyey.

“….Si wanaagsan baa naloogu soo dhaweeyey dadkuna waa dad diyaar u ah oo raba Federaalka,…” ayuu yiri Dr.Cumar Cabdirashiid.

Raysalwasaaraha ayaa intaasi ku daray inay kala hadleen arrimaha amniga iyo midnimada, asagoo sheegay in amni xumada iyo midnimo la’aanta ay tahay mid heerka xun gaarsiisay dalka Soomaaliya. Asagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka.

“…waxaa jirtay murran soo kala dhexgalay siyaasiyiinta oo la xariira doorashada…waxaana ku heshiinay in dhamaan dhinacyada ay noogu yimaadaan magaalada Muqdisho, isla markaana la xaliyo wixii khilaaf ah oo jira…taasna way naga ogolaadeen…”ayuu yiri Hogaamiyaha xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay u sheegeen inay doonayaan in maamulka Galmudug lasii dhiso, isla markaana laga sii balaariya habka uu hada yahay.

Isku shaandheyntii Xukuumada

Horseed Media ayaa wax ka weydiisay Raysalwasaaraha isku shaandheyntii uu dhawaan ku sameeyey golihiisa Xukuumada, sababta xiligan keentay?

Cumar Cabdirashiid, Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in isku shaandheynta keentay maadaama ay rabaan xiligan in dar dar la geliyo arrimaha Siyaasada, Amniga iyo horumarka dalka.
Wuxuu sheegay in dowladan shaqeenaysay muddo 7 bilood ah, isla markaana is tuseen in loo baahday dar dar gelin lagu sameeyo wax qabadka dowlada.

Baaqa bisha Ramadaan

Raysalwasaaraha oo fursadan uga faa’iideystay inuu Shacabka usoo gudbiyo fariintiisa bisha Ramadaan ee maanta bilaabatay, in shacabka Soomaaliyeed illaahay u barakeeyo.

Raysalwasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay Abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya, asagoo ugu baaqay dhamaan ummada Soomaaliyeed inay iskaashadaan oo la xasuusto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Ahmiyadda Xukuumada

Ugu danbeyntii ayaanu Raysalwasaaraha weydiinay qodobka ugu muhiimsan ee uu doonayo inuu wax ka qabto, ayuu ku jawaabay.

“…waa AMNIGA…runtii Amni la’aan wax horumar ah oo la gaari karo ma jirto,..waxaanu rabnaa inaan xooga saarno amniga dhamaan dalka Soomaaliya…maaha Muqdisho oo kaliya…” ayuu yiri Raysalwasaaraha.

Hadan waxaan nimid Puntland, waxaana tagay Galmudug, waxaana rajeenayaa in gobalada kale ee dalka inaan tago Gobalada dhexe iyo Hiiraan, intaba inaan tago, waxaana dooneynaa inaan amniga xooga saarno, ayuu yiri Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo u waramayey Horseed Media asagoo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30804
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Negotiations continue between Federal govt, Puntland

Postby Khalid Ali » Sun Aug 23, 2009 7:45 am

The biggest issue is with this case is Puntland wants the aid money the international community sends to puntland offcourse they have the right . to demand their part . But then again there must be a Somalia central state , there is no Somalia central government.
The only federal state that exist today is in puntland and the rest of the country is based on clan factions and Islamic factions and there is no central government so the aid money Somalia is getting , with that money the state of Somalia will be rebuild.
Second issue is puntland has parliamentarians in the TFG what is going to happen to them are they going to be demoted. Lets say the foreign minister is from puntland he goes abroad .will be another puntland minister go along with him. That’s nonsense


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests