Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu ka dhex jiro kooxda Raaskaambooni iyo kooxda Al-Shabaab.
Khilaafkan oo in mudo ah soo socday ayaa haatan gaaray gacan ka hadal waxaan magaalada Kismaayo shalay lagu daadiyey waraaqo kuwaas oo ay daadsheen Kooxda Raaskaambooni waxayna sheegeen in wax maamul ah uusan ka jirin magaalada Kismaayo.
Khilaafkan ayaa waxaa sabab u ah Kooxda Al-Shabaab oo diiday in maamulka ay soo wareejiyaan ka dib markii ay dhamaatay mudadii 5 bilood ahayd oo uu Sheekh Xassan Turki u qabtay.
Magaalda Kismaayo ayaa waxaa soo buuxdhaafshay Maleeshiyo ka amar qaata Raaskaambooni waxayna shalay rasaas huwiyeen masuul ka tirsan Al-Shabaab iyaga oo sheegay in maamul ay dhisi doonaan.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jira Taxaaluf iyo loolan dhinaca fikriga ah oo ku tacaluqa dhinaca Maamulka iyada oo koox walba ay rabto in dhaqaalaha ka soo baxa dekkada Kismaayo ay u adeegsato ajandaha Ururkooda xili ay dowlada Federalka dalka ka wado howlo Milatari oo lagu wiiqaanayo awood Islaamiyiinta.
Kooxada Al-Shabaab iyo Raaskaambooni ayaa qolo walba qolada kale waxay ku eedaynaysaa in ay qabiil hoosta ku wadato.
Sikastaba ha ahaatee Maleeshiyo tiro badan oo ka amarqaato Xasan Turki oo Daacad u ah Kooxda Raaskaambooni ayaa Xamar dib uga soo baxay waxay na haatan ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyada oo shirar iyo abaabul uu ka socdo deegaanada ay degaan beesha Kablalax oo taageero buuxda u haysa Ururka Raaskaambooni.
ITs time TO CLean UP Jubbaland Time For Kablalax To Bring Order Into this mess.





