Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

GABAY COMPETITION.......

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
GENERAL_SNM
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9757
Joined: Fri Jul 13, 2007 1:32 pm
Location: ''Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir''

GABAY COMPETITION.......

Postby GENERAL_SNM » Tue Aug 25, 2009 12:09 pm

Xikmad gabay xalaybaan Diiriyoow xaajadii galaye
Xaydaanka laabtiyo qalbiga laygu xarakeeye
Xoodaamadii baan ku kacay xadantadiisiiye
Xilashada warkaygiyo naxwaha waw xiddigiyaaye
Xifaalaha qabiil iyo hadduu xubin rageed dhaafo
Oo xamasta maatada galiyo xaasaskiyo qoyska
Xashiish qaadis mooyee murtida xiiso laga waaye
Bal xafida kan geeraarka waa la xarrageeyaaye

Abaar xaratay xaabli'i dhacdoo laysku xaradhaanshey
Oo xaadda cawskiyo Dayada xaaluf laga yeelay
Xagidii Hayiyo Qaydarjeex, ximidhka Daahyaale
Xaska Qararro waatii la dhigay xulashadiinniiye
Xabaal li'i raggii looga tegey cidi ma xaalayne
Imikaa lafii oo xargegan xuunsho fadhataaye

Ma xusuusnid xuurtii cuntiyo xiidmihii go'aye
Ma xasuusnid xiirmada hubkay kugu xasuuuqeene
Ma xasuusnid Xagarkii maryaha kaa xayuubsadaye
Xuslad niman lahaynbuu tashigu xuurta geliyaaye
Xagtimaha ku yaal reer tolkaa xuubku kaa gedefye
Xargagoo kala lagu dhuftiyo xanafti waallayde
Xanuunkii la badaybuu wadnuu xiimayaa weliye
Xaruntaadan joogine Riyaad kama xin-qooqdeene
Xuuraamisbaa kuu ekaa xaalku suu yahaye
Xogmoogaa tahee wiilyohow hays xabeebadine
Bal xisaabtan weli maad xafidin xoonta kaa maqanne

Xunkunkaa marooriyo annagoo xumaha diidayna
Kolkaad qalabka soo xaabsatee nagu xaqiiroowdey
Xeegada shishaan moodayiyo hiil xigaalnimo'e
Xaqiiq noqotay maandhoow inaad xidid ahaydeene
Xaggayagaba waa soo jireen Xaawo iyo luule
Xabiib iyo ilaahbaa ka dhigay dumar xalaaleede
Xansharkii ku qaadiyo go'ay kugu xanbaaraysey
Miyaan xeebashada geestayada lagu xushmaynaynin
Bal maxaa xubbiga ina siyaad kugu xaraareeyey

Ninkase aad sidii Xaram la gubay xeelad hibanayso
Haddii xaali loo meheriyoo dadabta loo xoodey
Oo uu xariirtiyo maryaha ku xashiraadaayey
Xaqdarraba haddii loogu dilay xoladka baaruudda
Ogow xeerba xeerkii horaa lagu xidhiidhshaaye
Gefkii Xaashi lagu toogteybuu xigey Ismaaciile
Xanna maaha ee godobteyda reer Xiirey baa qabey'e
Kolkaan Xayska guga wiilkayaga soo xaskuladeeyey
Een qaalmo wada xooshcad iyo xamar ka soo soocay
Een labada kii ku xasladaba kuu xorriyad siiyey
Goortuu xannaaniyo wanaag kaa xasili waayey
Xigga inan ka jaro wiilka waad nagu xaduurteene

Xirribtii shabeelkiyo haddii xeelad lala dheelo
Xiniinyaha Libaaxay Isaaq kugula xaalaane
Xaamxaamashiyo kuma didaan boola-xooftada'e
Mar haddii xasarad loogu tago lagu xajiimooye

Xulka Arab xijiga Ciidagale, xoogga habar yoonis
Nimankii Ugaadeen ku xidhay xodayga hoostiisa
Xarshin iyo Bullaaliyo kuwii Siraw ka xaaraanshey
Ee adiga xawliga dagaal kugu xanbaareeyey
Xakamaha Subeer kugu dhuftaad xanaf wareerteene
Xawaaraha Ayuub baan ridada kuula xiiq-tiranne
Xaraartaan ku tiirsaday kun jeer waw xamdiyayaaye
Xabadka iyo beerkayga way ku xardhanaayeene
ilaahbaa xigaal iiga dhigay Baha xabuusheede
Nin xadiid huwadey baan dhengedo lagu xarriiqayne

Xafashkiyo intaad boonta Gedo soo xodxodanayso :lol:
Idinkoon dhirbaaxo xejinbaa nabaddi xoorteene
Xamail waranka weligiinba waa xagal ka daacdaane

Bicir100
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 324
Joined: Fri Mar 06, 2009 10:56 am

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Bicir100 » Tue Aug 25, 2009 12:31 pm

Marexaanku waa kaad magan u ahayde ma hadaad caasiyowday.
Marehan Have destroyed you when You were in bed with YOu white master Marka gabaygu waaba kugu gef nin raga waakii aarsada ama aamusnaada.

Warka xalay dhankaas iyo ka yimid wabiga dhuuxiisa

Oo sida dhanbaal loo siday oo aan dhixin habeen noolba
Daarood dhamaantiisba waw caanihii dhudiye
Anigana dhedaa iga kacdiyo dhaxan isaarnayde
Libintii bahdaa dheelantaa waa adoo dhigaye

Mareexaanku tuu dhigay la maqal dhibicdii dayreede
Goortay rigaax iyo dhigeen dhowr kaloo wehesha
Isma dhigane waa tay baqaha ribadle dhaafsheene
Dhaf dhafkii cadaadii ka dhige meel dharaarsane

Dheb u toogte ina khaalidkii dhabarka weynaaye
Isaaqii dhadaanbiyin jirow laysu soo dhigaye
Ku wii dabada kuu dhiiban jiray dhamac la leefsiiye
Dhooraha sarkaalkow u ooy dhimayey Iidoore

Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Aseelah-Raaida » Tue Aug 25, 2009 12:33 pm

Bicir100 wrote:Marexaanku waa kaad magan u ahayde ma hadaad caasiyowday.
Marehan Have destroyed you when You were in bed with YOu white master Marka gabaygu waaba kugu gef nin raga waakii aarsada ama aamusnaada.

Warka xalay dhankaas iyo ka yimid wabiga dhuuxiisa

Oo sida dhanbaal loo siday oo aan dhixin habeen noolba
Daarood dhamaantiisba waw caanihii dhudiye
Anigana dhedaa iga kacdiyo dhaxan isaarnayde
Libintii bahdaa dheelantaa waa adoo dhigaye

Mareexaanku tuu dhigay la maqal dhibicdii dayreede
Goortay rigaax iyo dhigeen dhowr kaloo wehesha
Isma dhigane waa tay baqaha ribadle dhaafsheene
Dhaf dhafkii cadaadii ka dhige meel dharaarsane

Dheb u toogte ina khaalidkii dhabarka weynaaye
Isaaqii dhadaanbiyin jirow laysu soo dhigaye
Ku wii dabada kuu dhiiban jiray dhamac la leefsiiye
Dhooraha sarkaalkow u ooy dhimayey Iidoore






:clap: :lol:

Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Aseelah-Raaida » Tue Aug 25, 2009 12:35 pm

My Favourite Gabay by Haji Cali Majerteen



Baha baha hadday tahay bahda Haajiraan ahay
Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay
Daarood bartiisiyo beerkiyo laftaan ahay
Dadku baari kala roone baafane Hartaan (Harti) ahay
Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay
Cumarkaas(Reer Cumar) burhaantiis bogga loo geshaan ahay
Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan ahay.
Last edited by Aseelah-Raaida on Tue Aug 25, 2009 12:36 pm, edited 1 time in total.

Bicir100
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 324
Joined: Fri Mar 06, 2009 10:56 am

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Bicir100 » Tue Aug 25, 2009 12:35 pm

Gabaygan Abwaanku waxuu tiriyey mar ciidan ingiriis soo abaabulay wax la laayey iyo wax kala firdhaday laga dhigay , maalintaas raga meesha waraabaha loo loogay waxaa ka mid ahaa Ina Rigaax.. Ina- khaalid , sababta ciidanka ingiriis u soo abaabulay ,waxay ahayd mar Niman Reer Hagar ay laayeen rag habaryonis ah oo askartii ingiriiska ciidankaas waxay ahaayen habaryonis,, raga meesha maalintaas lagu laayey waxaa ka Mid ahaa Nuur-Guun oo ragaas watey Dhimashadii nuur-guun waxaa ka gabyey Adan Galoos oo reer hagar ahaa, isagoo ku xidhan berbera iyo geel reer Hagar laha oo ingiriisku qabtey oo loo haysto raga ay maalintaas reer hagar laayeen bal aan dhawr beyd ka soo qaadano gabaygii Adan galoos waxuu yidhi


:lol: :lol: :lol:

Mareexaanku tuu dhigey la maqal dhibicdii dayreede :clap:

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby ToughGong » Tue Aug 25, 2009 12:42 pm

Annagoo Dannood iyo fadhina, dacalladii Heeryo
Iyadooy dukaanleey u taal, duudda Habar Yoonis
Iyadoo shir lama dayn karee, damallo loo waabay

Iyadooy dablaydii korjoog, debedda meereyso
Iyaduu dalaysane ratigu, doobta karinaayo
Na soo doonte nimankii qalbigu, doorsanaan jiraye
Intay weerar nagu daadiyeen, daafad loo eriye

Dumarkuna ka dhereg Uustarkay, dib u qubaayeene
Doomaar ka dheer Shiciradday, dir u lahaayeene
Daba jilicdu waatay wax badan, diidday nabaddiiye
Daarood-ku-xaar bay lafii, daadsanyiin weliye.

Bicir100
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 324
Joined: Fri Mar 06, 2009 10:56 am

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Bicir100 » Tue Aug 25, 2009 12:55 pm

Mooradu ma fiicniyo nin maal,lagu majeertaaye
Anse macallin diin laan ahoo, dhigayan mawliide
Sida shiikh mufti ahoo cilmiga,madal ka sheegaaya
Bal aan mariyi maaweeladaan,maahirkeed ahaye

Nin hadduu malluugada yaqaan, mooradiyo faalka
Isagiyo Fircoon baysku mida, maalin aakhiro e
Adow maraga oo shaacir waa,inuu mushteegaaye
Inuu gabaygi kaa yare mergedo,laguma moodayn

Marka hore hadday laba qabiil,kala maqnaan weydo.
Miyir lagu walaaliyo hadday,maarsi kala weydo
Mindiyo laysku dooxiyo hadday,maradu dhiigoodo
Mirta iyo dharaartuba dagaal,kama maqnaadaane
Mutux waxaa ka xoog badan sirtii, laysku mowtiye e

Waxba Habar jeclada aan makalay,haw makaabbirine
Shan qolaa mataanaha ka jaban,Maxamedkiinniiye.
Madmadoobayaal oo dhan baan,loo muraad qumine

Waa muusanoow iyo baroor,maansadaad tidhiye
Maadhiinka nimankaan la dhacay, miida Habaryonis.
Magta geedquwaax lagu xukumay,waa rag kaa maqane

Ma mardaadi baa ka jiraan,muuqan mahayaane?
Mise waa kuwii lagu mudmuday,maqasha daaqeeda? .

Afrataa madkeeyeye miyaan,meelna ka habowshe
Madhoodhooyin iiguma baxee, marin ma qaadsiiye
Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay.

Adoo macawis iyo shaal sitoo, muunadii boqor leh
Maajeenta ceelkii lahaa, amase maygaagle
Muusiyo Quddayr iyo jafkaad, nala mushaaxaysay
Aduun bays maqiiqaye dhulkaad magan ku daaqaysay
Maantaad cabbaysay biyuhu,magac lahaayeene
Imminkay mariid kula noqdeen,mur iyo deebaaqe.
Muslin meel xun laga qaatay waa,inuu mastuuraaye.
Madfac iyo rasaas bay noqdeen,mahadnaqaagiiye
Ma munaafaq baad tahay abaal,waa ku moog yahaye?

Afartaa madkeeyeye miyaan, meelna ka habowshe
Madhoodhooyin iiguma baxee, marin ma qaadsiiye
Micne kalena waa eray yaroo, Maxamed loo sheegay.

Makhribkii hadaan duulay,waa mid an ku dheerahaye
Muunida aroortiyo hadhkii,kuma macaashteene
Waa taan makaartii Goleed, kaa mullaaxsadaye
Maydkii Isaaq lagala hadhay,moodharaa guraye
Waa kii waraabuhu ku mamay, maaxdii reer sahale

Haddii deyrtu waa mudan hartiye,nala mihiibsiiyo.
Meeshaad taqaanneen haddii,mayeyga loo diido
Meermeerka Gubaddood haddii,lagu maqnaan waayo
Sida maylka geeddigu hadduu,mudh isa soo siiyo.
Manqax iyo haddii xiditinnimo, la isku muuneeyo
Hadday muusayaal nala dersaan,nagama maarmaane
Dad ninkii manaabo la' haddii midigta loo dhiibo
Maqligaad afaysaa ku goyn, muruqa Yowloowe
Maatada xaggee reer cismaan, madaxa loo saari?
Mas baa kaga tufaye laaska yaa, mar uga soo dhaamin?.

Bicir100
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 324
Joined: Fri Mar 06, 2009 10:56 am

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Bicir100 » Tue Aug 25, 2009 1:09 pm

Aseelah-Raaida wrote:My Favourite Gabay by Haji Cali Majerteen



Baha baha hadday tahay bahda Haajiraan ahay
Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay
Daarood bartiisiyo beerkiyo laftaan ahay
Dadku baari kala roone baafane Hartaan (Harti) ahay
Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay
Cumarkaas(Reer Cumar) burhaantiis bogga loo geshaan ahay
Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan ahay.


Gabaygan originalkiisu waa carabi Dib baa somali loogu tarjumey

Aseelah-Raaida
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1590
Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Aseelah-Raaida » Tue Aug 25, 2009 1:14 pm

Alifyeen adduun waa socdee uunka bal u sheega
Allawshahakan baas iyo ka tagay amar ku dheeraadka
Ninba ururka dhow buu la iman ` eed wuxuu falaye
Ajashiin intii aanay iman toobadda ogaada.

Beyteen mindhaa booligii layska burinmaayo
Banka xoolo lagu foofshey baa boob la geliyaaye
Ninba beri horaa loo callaqay bir iyo miisaane
Ninna baadil yuu cuni dadow baadi baad tahay.

Tayteen Allaa taajiroon tuna illoobeyne
Tawfiiqda nimuu siiyey baa tegey sariirtiiye
Tawxiidka iyo toobaddaa lagu tacjiilaaye
Tacabka u badsada Aakhiraa loo tukubayaaye.

Sayteen siyaabaha adduun saafi laga waaye
Sifniheeda maqalnoo war baan innagu seegnayne
Sugimaynno saakaba kuwaad sare u qaaddeene
Sabab bay idiin noqon mar ay badan su’aashiiye.

Jiinyeen Jaliiloow adaan lagu jigraareyne
Jinni iyo Insiba maalintuu uunku wada joogo
Jahannamo ninkaad geeysey wuu jimidhwareeraaye
Jidka toosan Eebbow na mari Nebiga jaahiisa.

Xayteen Allaa xaakimoo xukunki juusaaye
Wax Xadiiska laga sheegayaa xaal aan fududayne
Xisaab li’i wax loo geyn Jannada nimuu xoreeyaaye
Bal xusuusta xaashida wax dhigan nin iyo xaalkiisa.

Khayteen wax khaatira Ilaah nimaan ka khoofeyne
Ninkii khayr sameeyaa wax roon loo khatimayaaye
Nin khiyaami yiriyow wallaad u khatalmaysaaye
Khatar haysku ridin jeer danbay kula kharaarnaane.

Deelyeen daliilkii cilmigu waa kan daahiraye
Daarahakan loo baxay mar bay wada dumaayaane
Intaan mawdku soo degin intaan dabaqa lays geynin
Nin walaw naftaada u dedaal Aakhiraa darane.

Daalyeen dariiqada nin galay derejo loo sheegye
Culimmada digriga qaadayee duubay madaxooga
Xajka uma dawaafeen haddaan lays dangelinayne
Doqonniimo yaan loo dhimane daya asaaggiinna.

Siinyeen sidaad aadmi tahay waad silloontahaye
Fircoon baa sallaan dheer dhigtoy seegtay taladiiye
Nin waloo suldaan ihi ka socoy soof wuxuu dhaqaye
Sakadayska bixi yaad ku dhicin solayga Naareede.

Shiinyeen shar baa loo kiciyo shuqul an toosnayne
Sharcigii Ilaah laga tegyoo looma soo shiro e
Aakhiro wexeer sharrax u dhigan waa shiddiyo khoofe
Shayddaan ha raacina ayuu shaal idiin luline.

Saadyeen wax saadiqa ninkii soomay Ramadaane
Sadaqo u ratiba waalidkiin waydin sugayaaye
Ninba saaka wuxuu geystey baa saaddanbaw imane
Salaaddana ha deynina Jannaa la isku siiyaaye.

Dayteen wax doornimo la biday col iyo duullaane
Nin waliba anaa duul batuu dad ugu faanaaye
Wixii dunida joogiyo la waa dawladii sare e
Dabka baxaya yaan laysku ridin deregga hooseeya.

Caynyeen nin caasiyey Ilaah cadhadi waw meel e
Cunsur oo dhan baa lagu ridaa lagu ciqaabaaye
Cilmigiyo Quraankiyo intii caadadii Nebiya
Bal cuskada Allaa caaddiloo inna caqiibayne.

Qaynyeen maxaa laga qoslaa qaylo waa badan e
Maantii Qiyaamuhu dhecee ruuxa laga quusto
Ninba qayb wuxuu falo markii qoorta loo geliyo
Allahayow dartaa nagu quwee Qaaddir waa adiye.

Fayteen anaa faro leh iyo labo fadhdhoo geel ah
Haddii faan waxtaro gaaladaan lagu fidneeyeene
Wax ka fiican Naartiyo ninkii laga fogeeyaaye
Bal fekera wexeer idinku furan hawsha faraheeda.

Qaafyeen qubuurahani waa wada qabiilkiine
Haddaad qooshkan mooddeen inaan layska qabanaynin
Qadka waxaan ku dhaartaa inaan qolona waarayne
Qalbi li’idinaa soo ma arag galabba waa qayre.

Kaafyeen Kariimow adaa noo karaamadaye
Kurbi adag ninkii qabeyba wuu ku cuskanaayaaye
Wixii jiraba waad kaafidaa keli ahaantaaye
Allow naga kalkaal dunidatani waa kabaal jabaye.

Laanyeen lihiin ma lihinoo kuma lulmoodtaane
Lucfadii la soo cunay wallaan loola ledihayne
Nin laxaad lehow haysu filin inaadan laabmeyne
Ninna yuu ladnaan uurka gelin horeba loo waaye.

Miinyeen Macbuudow adaa lagu muraadaaye
Mulkigaaga adigaa leh oon lagugu maagayne
Adigaa masiibada ceshoo noo miciin fala e
Allahayow ku soo magangalnoo kuu martaan nahaye.

Nuunyeen niyaayiro la waa nolol la eegaaye
Intay nabaddu joogtaa arlada lagu nimcaysnaaye
Nabsigeed hadduu galay muggeer gelinba waa nooce
Neeryaa Ilaah soo rogiye yaan niyo xumaysnaane.

Wowyeen werdiga lama maqloo waano laga baydhye
Asaxaabihii kuma warramin waxaydin yeeshaane
Wanaag kuma galaan xoolahaan xaq u wanbaarnayne
Wariisada wexeedii la cunay Weyne ma illaabo.

Hayteen kuwii hodon ahaa haatan waa dane e
Iyaguba waxay hayn jireen wayagaa huraye
Hawo been ah lama raaco iyo hal aan ku haynayne
Waxa haybaddii helay Ilaah nimuu hadeeyaaye.

Yayteen an yaabaye maxaa yaradka loo qaatay
Wixii laga yakhaafoba maxaa loogu yididiishey
Nin yatiin dulmiyey Aakhiraa laga yamxeeraaye
Allahayow yaqiin lama hayee noo yassir amuurta.



Cali Dheere

surrender
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11194
Joined: Tue Jan 29, 2008 6:42 am
Location: "raganimo ninkaagii nacasnimo maxaa baday"

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby surrender » Tue Aug 25, 2009 1:15 pm

where you guys get all these gabays from? :|

Bicir100
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 324
Joined: Fri Mar 06, 2009 10:56 am

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Bicir100 » Tue Aug 25, 2009 1:38 pm

From his highness Aw-MUuse
Raage Ugaas "Aw Muuse mooye gabaygii, lagaba aanyuusye”
Khalif sheikh " Aw-Muuse gabayguu mershaa, meesha soo galaye

Darbane Maxamedow gabay aduu, kuu daliil yahaye

Aduu kula degoo kula dersoo, daacad kuu yahaye

Durdurkiisii adigaa ahiyo, daristii [1] weyneyde.

Ducaqabe adaan waxaan lahaa, xaal walba u daaye

Da’daadaan lahaa waxay furfurin, daharradii [2] baase

Duq baad tahaye joog baan lahaa, waa la soo didine.

Duullaanka hore waxaan lahaa, wiilasha u daaye

Haddii laga danbaxay xaajadaan, idinla doonaayay

Dirqi buu igu qabsaday hadalka inaan, anigu dooxaaye

Wuxuu mudanahay iga dalbado, diiday ma awoode

Kol haddaan dariiqiisa furo, wayga soo degine,

Waxeer labada daar [3] ii fadhiya, aan idin deeqsiiyo:

Madfacaan diyaarsaday miyuu, derejku ii fuulay

Dabkiyo liifaddiisii miyaan, mar is dareensiiyey

Danbaaburo rash iyo qiiq miyaa, uunkii wada daadhay;

Awal maanso waataanan dumin, toban diraacoode

Dibnahayga waataan ka jaray, tan iyo Dayrwaaye

Dannigayga waataan is iri, Aakhiraa darane.

Dariiqayga waataan ka dhigay, diinta Nebi raace,

Doqontiyo haweenkaa is yiri, kani damiinnowye.

Dig dhehoo dannaagooyin dhoo, dininig roobaad dheh!

Durdurkii Garoowiyo cirkiyo, danabyadiisii dheh!

Dawladaha is waafaqay habeen, dacawigoodii dheh!

Dirirtii Miskoo iyo rash iyo, dab iyo baaruud dheh!

Dayaxiyo shamsada soo baxdiyo, waaga daalacay dheh!

Murtidaan dambaysiin jiriyo, doogsin galabeed dheh!

Xarafyada ma kala dooriyee, Do’ iyo Daalkeed dheh!

Dadow xalay hurdana maan damcinoo, doob isugu waayay

Degtii aan barkiga saaray baa, madaxii loo diidey

Daas gogol la ii dhigay miyaa, igu dabayloobey!

Dacas [4] iyo rafaad bay heliyo, diilalyo [5] i saaqday

Waan wada deddadey [6] sida laxmiga, la iga diifaayey

Dubaaqayga oo idil miyuu, dab iga qiiqaabay.

Dayax dhacay intuu waa ka galay, waysla diriraayey

Sidii aar damqaday oo cartaan, doobbaha u giijey

Dibnihii aan ilkaha ku qabsaday baan, daa’im ku abaabshey

Galow sidii markii wax aan damcaba, wayska dananaayay!

Degganaansho iyo nabad miyaa, xarigga loo duushey

Ma waxaan diidayaa uumiyuhu, dib uga rayn waayay,

Dacartaan hortii xiray miyaa, la iga soo daayay?

Ciil iyo hammi aan dugin [7] miyaa, la igu daardaaray

In aan diir qadhaadhnahay miyaa, uunka laga daahay

Dagaalka inaynnu qoob dhigin miyaan, dad ina moodaynnin?

Darbad waxaan u naqay mudanahay, hal aan ku diiraabay [8] ,

Darbabna waxaan u naqay reer tolkayoo, doorkii ka idlaaday,

Darbadna waxaan u naqay ooryeheer, nagu dan seegaaya,

Darbad kalena waa aniga iyo, dan iska sheeggayga,

Darbad kalena waa Guullahay, Daayin midaan tuugo;

User avatar
The Magnificent
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2463
Joined: Wed Oct 25, 2006 7:29 pm
Location: Chillin' and Drinking 2 cubs of Arabian Tea With General Mohamed Said Hirsi 'Morgan' !!!!!!

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby The Magnificent » Tue Aug 25, 2009 1:40 pm

surrender wrote:where you guys get all these gabays from? :|



They got it from the website called Golkhatumo.com <--very nice website.

Alifyeen<---This gabay was from Shiek Ali Majeerteen...very nice indeed. :up:

User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby new-york24 » Tue Aug 25, 2009 2:11 pm

camanje yogol....

Nimanyahow hashiinii ma arag, waana la hubaaye

Waa taan hudheelaha galaa, hogoga Iidoore

Waa taan hariirsade gubaa, dhuxuli hoos taale

Waa taan makhaayado hurshaa, halow i leefaaye :lol:

Haweenkaygu waateey midgaha, hilib ka iibshaane :lol:

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30834
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby Khalid Ali » Tue Aug 25, 2009 2:20 pm

Daaroodka qaar baa midgaha lagu masaalaaye
Moofada Kidaarkana ragbaa maalintii cuna'e
Masaakiinta waa lagu og yahay joogta meelaha'e

Maraykaanna laga sheeg intaa madaxa goyseene
Malyan baw sita'e geelayaga lagama maarmeene
Kol hadduu Madheedhkii Wareeg Mulay ku daaqaayo

Kol hadduu Masaarre iyo DigWeyn maaxda shubanaayo
Milmil iyo Bullaalena hadduu maansha ku arooro
Nin martiya ha joogtee haddaan lagu mannaagaynin

Kol haddaan Mataan madi ka dhigay muranku waa ceebe
Afartii Magaadleba haddaan maanta ka ahaaday
Mudh haddaan ka soo idhi Isaaq hay makeekiyo'e
Mahadaale caaway hurdadu ii macaan tahaye


:lol:

User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: GABAY COMPETITION.......

Postby new-york24 » Tue Aug 25, 2009 2:22 pm

Waa taan wan weyn dhinacii iyo, dhabarkii tuujaaye

Waa taan intaan kala dhigdhigo, dheriga heenshaaye

Waa taan middii ii dhexdayoo, dhowri kariyaaye



Waa taan in soo dhibicsadaa, dhaahiyaha fuud e

Waa taan fartaa dhuuban iyo, dhuraha leefaaye :mrgreen:

Dhab calool ah waa taan wadniyo, dhabano iibshaaye

Waa taan dharkaygii xarago, dharas ku laabtaaye


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests