Masha-allah
Posted: Thu Aug 27, 2009 10:31 am
Khamiis, August 27, 2009(HOL): Magaalada madaxda maamul gobleedka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa maanta aad looga dareemayaa diyaargarow ay samaynayaan Culumaa'udiinka magaaladaasi oo xiliga bisha barakaysan ee Ramadaan looga bartay in ay qeyb ka noqdaan abaabulka iyo gacan ka geysashada sidii loo afurin lahaa dadka aan iyagu awoodin in ay afur helaan.
Waxaa ka mid ah Culumada arintan ku howlan Shiikh Yasiin C/llaahi oo isagu si weyn isugu xilsaaray qaabkii ay dadkaasi u heli lahaayeen afur, waxa uuna sheegay in aysan afurin karin dad badan xiligan, laakiin ay afuriyaan ilaa 150 qof habeen kasta.
Shiikhu waxa kaloo uu sheegay in dadkaasi ay afur ahaan u helaan lacag dhan hal doolar oo qiimo ahaan loogu dhufto waxa markaasi ay ku afurayaan, laakiin aysan jirin wax lacag cadaan ah oo la siiyo dadkaasi.
Lacagta dadkaasi lagu afurinayo ayuu Shiikhu sheegay in ay u weydiyaan umada Islaamka ah ee reer Garoowe kuwaasi oo uu Sheekh Yaasiin sheegay in ay isu taageen sidii ay walaalahood wax uun ugu taagi lahayeen.
Meelaha dadka lagu afuriyo ayaa waxaa ka mid ah Masaajida lagu kala magacaabo, Al-Hudda, Al-Raxma, Al-Saxaaba, Al-Xikma iyo Jamaac Wal- Sunnah oo dhamaantood ku yaala magaalada Garoowe.
Masjidyadaas waxaa galab kasta taga tirada afurka loogu talagalay mooye in ka badan, maadaama ay jiraan ayuu yiri Shiikh Yaasiin dad faro badan oo aan awoodin in ay afurka iska bixyaan.
Arintan ayaa wax ay imaanaysaa xili dadka ku dhaqan duleedka gobolka Sool oo deris la wadaaga gobolka Nugaal laga soo sheegayo abaaro, isla markaana ay dad aad u faro badan oo halkaasi ka yimid buux dhaafsheen magaalada Garoowe.