Baaq ay wadajir u soo saareen Beelaha Reer Biciidyahan iyo Cumar Maxamuud ee Dalka Ingriiska
August 27, 2009 filed under NEWS IN SOMALI, OPINION · Comments (1) بسم الله الرحمن الرحيم
.Ku: Dowladda Puntland
Ku:Beesha Cali Ibrahim
Ku: Beesha Cumar Maxamud
Ku: Waxgaradka Puntland
27/08/2009
Ujeedo: Baaq ay wadajir u soo saareen Beelaha Reer Biciidyahan iyo Cumar Maxamuud ee Dalka Ingriiska
Shir ay isugu yimaadeen wax garad ka tirsan jaaliyada ku nool dalka Ingriiska, kuwaa soo kala jeeda beelaha Cali Ibrahim (Reer Biciidyahan) iyo Cumar Maxamud oo ay uga wada hadleen dhacdooyinkii xumaa ee ka dhacay magaaladda Galkacyo ayna ugu dambaysay dilkii uu gaystay wiilkii gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug iyo dhacdadii foosha xumayd ee ka horaysay laguna dilay Allaha u naxariistee Wasiir Warfaafinta, Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka).
Wada tashi kadib waxa ay soo jeedinayaan qodobada soo socda:
Waxa ay si wadajir ah u canbaaraynayaan falalka siyaasadaysan ee loola jeedo in colaad looga abuuro labadaan beelood dhexdooda, falalkaas oo ah kuwa ku ugub ehelka dhexdiisa. Waxay sidoo kale uga digayaan labada beelood in ay ka foojignaadaan wax kasta oo dhaawici kara wada noolaanshaha iyo wadjirka dadka wada dhashay.
Waxaa la rumaysan yahay in dilkii wasiirka iyo kii ka dambeeyayba aysan salka ku hayn aarsi qabiil ee ay ahaayeen falal guracan oo ay soo maleegeen dad doonaya in ay fidno iyo xasilooni daro ka dhex abuuraan dadka walaalaha ah. Sidaa darteed waxaa lama huraan ah in Dawalada Puntland ay arimahaan baaritaan rasmi ah ku samayso, si cidii ka dambaysay dilalkan sharcigana loo horkeeno.
Beeshii ay ka dhasheen gacan ku dhiiglayaashu waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto gacan ku dhiiglayashii gaystay dilalkaan iyagoo la kaashanaya Dawladda Puntland, lana waafajiyo Shareecadda Islaamka.
Waxaa aad looga mahad celinayaa beesha Cali Ibrahim sida dulqaadka iyo ehelnimada leh ee ay gacanta ugu qabteen ugana hortageen in falal aargoosi ahi dhacaan. Waxaana laga codsanayaa in ay dadaalka nabadda halkaas kasii wadaan siina xoojiyaan.
Ugu dambayntii, waxa aan ku dhiiri galinaynaa dhammaan dadka ku nool deegaanada Puntland in ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonidda.
Wabillahi Towfiiq
Beesha Cali Ibrahim (Reer Biciidyahan)
Suldan C/Raxman Aden Dude
Sh. Maxamed C/llahi Nur
Cabdulqadir Mohamud Xaaji (Jasiira)
Warfaa Cabdi Garwayne
C/llahi C/Qadir Cali (Faatoxo)
C/Rashid Maxamed Aw-Daahir
Caydaruus Cali Cindig
Maxamed Xirsi Maxamed
C/Risaq Warsame Faarax-Yare
Axmed Farax Dahir (Sayruq)
Beesha Cumar Maxamud:
Xirsi Xaji Jaamac
Xassan Jaamac Maagtayn
Siciid Cagawayne
C/Nasir Biixi Soofe
Mukhtar Shiikh Cusman
Jaamac C/llahi Shire
C/Qani C/llahi Khaliif
C/Rashid Maxamud Xashi
Bashir Abshir Gaas
Cawil Xassan Saleebaan
C/llahi Sharubood
NO WAY...Those to guys are my.................................





