Buug Cusub: Daahfurka Taariikhda Xaaji Cali Majeerteen
Posted: Mon Sep 07, 2009 9:17 pm
Waxaa Xaflan Daahfur Buug oo aad loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Horumarka iyo Cilmibaarista Punland (Puntland Development and Research Centre).
Daahfurkaasi wuxuu ku saabsanaa buug cusub oo ka hadlaya taariikhda Faqiic, Mujadid Al-Xaaji Cali Cabdiraxmaan Faqi oo ku Magac dheeraa ama dadku u yaqaaniin (Xaaji Cali Majeerteen). Waxaa buugaas qoray Caalimka ku caan baxay uruurinta, xifdinta iyo qorista taariikhda Soomaaliyeed waa Sheekh Aw-Jaamac Cumar Ciise.
Xaaji oo ahaa Caalami noolaa intii u dhaxaysay dhamaandii 1700 iyo bilowgii 1800. Dadka wax ka qoray Xaaji Cali waxaa ka mid ahaa badmareen lagu magacaabi jiray Charles Guillain inuu kula kulmay Xaaji Cali 1840 magaalada Marka oo uu maanta ku aasan yahay Xaajigu gaar ahaan deegaanka Cagaaran oo uu weli ka taagan yahay masidkii iyo deegaankii uu isaga iyo xertiisu ka dhisteen goobtaasi. Admiral Guillain wuxuu oo ah qoraagii ugu horeeyay oo taariikh tifatiran ee ku saabsan soomaaliya qoray ayaa buugiisa lagu magacaabo Documents sur L’Histoire, le Geographie et le Commerce de L’Afrique Orientale.
Xafladda waxaa furay madaxa PDRC, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke, isagoo u mahadceliyay ka soo qayb galayaasha iyo qoraagaba, muujiyayna sida uu ugu faraxsan yahay in Daahfurkaan lagu qabto xarunta uu madaxda ka yahay.
ka dib waxaa hadalkii qaatay laba aqoonyahan oo kala ah Hormuudka Kulliyada Waxabarshada ee Garoowe (GTECH) Dr. Cabdirasaaq Shoole iyo Dr. Cabdulqaadir Cabdi-Khadar Nuur, iyagoo labada aqoonyahan ay ka mid ahaa dadkii soo akhriyay buuga labadiisa qaybood ee carabiga iyo soomaaliga ah, iyagoo sharaxay nuxurka buugga iyo sida ay u arkaan iyo baahida loo qabo taariikhaha dadkii soomaaliyeed ee magaca weyn bulshadooda ku lahaa in la qoro walibana loogu magac daro goobaha muhiimka ah ee bulshada si loo xasuusto looguna hirto wanaagoodii
Kadub waxaa hadalkii lagu soo wareejiyey Shiikh Aw-Jaamac Cumar Ciise oo isna faahfahin dheer ka bixiyay buugga oo uu sheegay inuu uruurintiisa bilaabay 1957. Wuxuu Sh. Aw-Jaamac tilmaamay in buugaani uu taabanayo oo keliya qaybo ka mid ah taariikh nololeedkii xaajiga, xog badanina maqan tahay meelaha uu wax ku tuhmayo oo hadda wax laga heli karana ay ka mid tahay Bombay oo masajid uu xaajigu dhisay ku yaal, Zinjibaar oo iyadan xog badan laga heli karo iyo gabar masaari ah oo macalimad ka ah kuliyad beeraha ah oo maqaal ay soomaaliya ka qortay ku soo qaadatay gabay carabi ah oo uu tiriyay oo aan lahayn qaybo ka mid ah.
wuxuu kaloo qoraagu codsaday cid kasta oo xog ka haysa inay u soo gudbiyaan, sidoo kale cidii ku aragta wax khalad ah buuga inay u soo gudbiyaan. ka dib su'aalo ayaa laga waydiiyay waxyaalihii uu ku qoray buugga iyo meelaha uu ka helay xogaha ku jira.
Intaa kadib waxaa daahfurkii erayo gunaanad ka soo jeediyay Wasiirka Waxbarashada ee Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxaa.
Buuga waxaa hada lagu iibinayaa oo qudha gudaha dalka , iyadoo la filayo inuu dhawaan soo gaari doono wadamada ay ku sugan yihiin qurba-joogtu.
Wixii taariikh kooban ah oo ku saabsan Xaaji Cali iyo Musanafaadkiisii (Kutubtii Islaamiga ahayd ee uu qoray) waxaad ka heli kartaa:
http://mudugonline.com/viewArticle.php?articleid=5426