Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Puntland The Most Peaceful Place In Somaliya. United Nation

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Abdi-Halim
Posts: 227
Joined: Sat Sep 12, 2009 10:05 am
Location: Puntland Always And Forever. So Help Me God!!!

Puntland The Most Peaceful Place In Somaliya. United Nation

Postby Abdi-Halim » Sat Sep 12, 2009 1:29 pm

Image
Image
Image

Garowe:”Doontii naakhuudo badan way degtaa”Axmed Walad Cabdala (Daawo Sawirada)

Published on: September 12,2009 Garowe Time 2:25 pm

(OGEYSIIS) Jaamacadda Puntland State University waxay ku wargelinaysaa dhamaan ardayda ka qalinjabisay dugsiyada sare in Jaamacaddu qaadanayso arday cusub Sanad waxbarashadeedka 2009/2010

Related News
Dowladda FKMG ah oo Aas Qaran u samaysay Ciidankii Naafada Xoogga ee Shalay la-laayay (Daawo Sawiro).
Ururka Al Shabaab oo Gargaar u fidiyay Dadka ku Barakacaya Dagaalada Muqdisho (Daawo Sawirada).

Garowe (RBC):- Wakiilka xoghaya guud ee qaramada midoobay arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala ayaa maantay ka sheegay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe in uu aad ugu faraxsan yahay booqashadiisa Puntland isagoo sheegay in isaga iyo waftigiisaba aad loo soo dhaweeyay.

Axmed Walad Cabdala ayaa la kulamay Madaxda dawlada Puntland waxaana uu la hadlay Saxaafada isagoo sheegay in uu ku faraxsan yahay in Puntland joogo maanta isagoo sheegay in ay tahay maanta markii labaad ee uu Puntland yimaado isagoo sheegay in doorkii hore ee Puntland u yimidna ay ahayd Bishii March ee sanadkii 2008.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta soo gaaro Puntland oo aan la kulmo Madaxwaynaha Puntland C/raxman Maxamed , labadii maalmood ee u danbeysay waxaan ku sugnaa Somaliland oo aanu u tagney inaan dhexdhexaadiyo laakiin nasiib daro waan ku guulaysan waayay inaan isu keeno”.


Mr.Walad Cabdala waxaa uu sheegay in Puntland ay tahay Maamulka kaliya ee taageersan dawlada kmg ah ee Soomaaliya, waxaana uu ka codsaday Madaxda iyo shacabka Puntland inay ka shaqeeyaan sidii ay isugu keeni lahaayeen walaalahooda Soomaaliya.


“Xaalada Soomaaliya maanta waxay maraysaa meel xun, dhibka aan Soomaali ku arkayna waxaa weeye dad wada siyaasi ah oo kursi wada doonaya, marka waxaan Somaali leeyahay doontii naakhuudo badani way degtaa”.ayuu yiri Axmed Walad Cabdala.

Arimaha Somaliland ayuu sheegay inay marayaan meel xun isagoo sheegay in markii uu kasoo duulay ay rabshaduhu ka bilawdeen Somaliland.

“Somaliland waxay ka mid ahayd meelaha ugu nabdoon Soomaaliya waxa ka soconayana maanta waa wax keeni kara dhibaato,markaan kasoo duulney waxaa ka dhacay rabshado iyo mudaharaadyo waxaan filayaa inay dhimasho iyo dhaawacba jiraan, waxaanse ugu baaqin inay nabada dhawraan, waan isku daynay inaan kala dhexgalno oo aanu heshiisiino,laakiin Somalidu waxay ka siman yihiin in markii laba kooxood la heshiisiiyo waxaa soo baxaya kuwo kale, markaa Arinta Soomaaliya waa mid fogaatey oo qabiil dilay”.ayuu yiri Axmed Walad Cabdala.


Axmed Walad Cabdala mar uu ka hadlayay arimaha Puntland ayuu sheegay in Puntland maanta tahay meesha ugu nabada badan Soomaalia, horey haday Somaliland u ahayd waxa uu Axmed Walad Cabdala sheegay in Maanta Puntland ay tahay oo Somailand ay xabadi ka dhacayso Caasimadoodii.

“Puntland waxaan ku amaanayaa nabada ay tiirarka u xoojiyeen waxaana ku siiboorinayaa nabada inay sii adkeeyaan, waad u jeedaan waxa Koonfurta Soomaaliya ka dhacaya, maantana waad u jeedaan Somalilnad markaa waxaad ku dhexjidhaa laba meelood oo midna ay baaba’day midna ay maantay xabadi ka dhacayso, waxaan bishan barakaysan ilaahay uga baryayaa in dhibaatada Somaliland ka taagan uu fahansiiyo dadkaasi inay wadahadal ku dhamaystaan”.

Puntlnad waxaa uu sheegay inay kala shaqeyn doonaan hormarka ay ku talaabsatay isagoo sheegay in Puntland ay wax weyn qabsatay oo hadana ay diyaar u sii tahay inay kasii shaqeysiiso nabada.

Waa markii labaad oo uu Axmed Walad Cabdala yimaado Puntland waxaana kalkan kalkii ka horeeyey uu ahaa bishii March 2008 sida uu shaagey Axmed Walad Cabdala, waxaan uu sheegay in Puntland ay tahay meel nabdoon oo waliba jecel in Somaaliya mid noqoto waxbadana ka shaqeeyay in Soomaali isku keenaan.

Abdiqadir Warsame Yuusuf
RBC Radio,Garowe

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Puntland The Most Peaceful Place In Somaliya. United Nation

Postby gemini07 » Sat Sep 12, 2009 1:32 pm

I can't stand him.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests