Qardho: Gaadiidlayda G/karkaar oo dayactiraya wadooyinka Qar
Qardho(bosaso-Media)- Gaadiidlayda magaalada Qardho ee xarunta G/Karkaar ayaa bilaabay dayactir ay ku samaynayaan wadooyin dhex mara magaalada Qardho wadooyinkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa kuwo aad u bur bursan.
Dhalinyaro Gaadiidlay ah oo si iskaa wax u qabsaa iskugu xilqaantay hagaajinta wadooyinkaan bilicda u ah magaalada Qardho ayaa bilaalay in ay si hufan wax uga qabtaan bur burka ku yimid wadooyinaan iyagoona si wanaagsan shaqada iminka u wada.
Waxaana wararku ay sheegayaan in dhalinyaradaan aysan wax caawin ah ka helin maamulka degmada ayna iyagu isku xilsaareen samaynta wadooyinka ku yaala bartamaha Qardho,waxaana hada wadooyinka magaaladu ay yihiin kuwo gaadiidku ay si xaragaa ku mari karaan awalna ay ahaayeen kuwo bur bursan oo dadka iyo gaadiidku ay si dhiba ku mari jireen.
Waxaana meelaha ugu burburka badnaa ay ahaayeen wado dhex marta magaalada Qardho xaafada Kampo agagaarka saldhiga booliska oo muddo badan ahayd meel aad u bur bursan oo aysan waxba ka qaban maamuladii soo maray degmadaasi.
Maalmahaan dambe waxaa deegaanada Puntland Ku soo badanayey bulshada qeybaheeda kala duwan oo isku taagaya in ay waxka qabtaan wadooyinka bur bursan,waxaana shirkada isgaarsiinta Golis ay wada laamigaa ee u dhexaysa Magaalada Boosaaso ee xarunta G/Bari iyo Magaalada Qardho ay u samaysay calaamado muujinaya khataraha iyo isticmaalka wadada.
Congratulations boys, however it is a shame that local district council doesn't chip in and do it's part. It has been long time coming and its time to reform qardho council with competent leadership, the current local admin there is just a total disgrace and has done absolutely nothing for the town. Faroole SOS CALL. After u reform cayn and haylaan, u might need to drop by qardho believe me it was a long time overdue!!!




