Madaxweynaha Puntland oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Ciidul Fidriga Darteed | read this item Related News
“Wax Isbadal Ah Kuma Keeneyso Howlgalka Ciidamadeena Qaraxii Shalay Lala Eegtay” Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Raali Kama Nihin In Meel Ka Baxsan Soomaaliya Lagu Maxkamadeeyo Dhalinyarada Loo Soo Qabto Falalka Burcad-badeeda”Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada ee DKMG”
Madaxweynaha Puntland ayaa cafis u fidiyey 84 maxbuus oo ku jirta xabsiyada kala duwan ee magaalooyinka maamul goboleedka Puntland.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa lagu shaaciyey in madaxweynuhu cafis u fidiyey maxaabiis ku kala xiran xabsiyada magaalooyinka Garowe, Galkacyo iyo Boosaaso, waxaana cafiskaasi lagu soo beegay munaasabada Ciidul Fidriga oo nagu soo beegan dhowaan.
Qoraalka wareegtada xafiiska madaxweynaha ka soo baxday oo loo qeybiyey saxaafada ayaa lagu sheegay in maxaabiista la cafiyey ay isugu jiraan 63 maxbuus oo ku xiran xabsiga Boosaaso, 19 ku xiran xabsiga magaalada Garowe iyo 2 maxbuus oo ku jirta xabsiga dhexe ee Galkacyo.
Maxaabiistan la cafiyey waxay ka kooban yihiin dad loo haysto dambiyo yar yar oo ay ka mid yihiin tuuganimo iyo kuwo loo qabtey dambiyo xagga anshaxa ah, waxaana cafiska madaxweynaha si rasmi ah loogu gudbiyey madaxda xabsiyada iyo wasaarada arimaha gudaha si maxaabiistaasi loo siidaayo maalmaha soo socda.
Cafiska madaxweyne C/raxmaan Faroole waxa uu ka dambeeyey baaqyo maalmahan ka soo baxayey qeybaha culimada iyo isimada Puntland kuwaasi oo ku saabsanaa in munaasabada ciidda darteed xabsiyada laga siidaayo dadka ku jira xabsiyada ee dambiyada fudud loo heysto.
Sanad walba xilligan oo kale ayey madaxtooyadu soo saartaa cafiska lagu siideynayo qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiyada, waxaana cafiskan ka faa’ideysta dad kala duwan.



