Magaalada oo ku caanbaxday nabadgalyo iyo xiriir wacan oo ay la leedahay deegaanada ku xeeran iyo gobolada dalka oo dhan ayaa muddaba ku tillaabsanaysay horumar dhinacyo badan leh oo dhinaca waxbarashadu ka mid yahay, ha ahaato waxbarashada diineed ama tan casriga ahe.
Magaalada waxaa ka furan labo iskool oo mid waliba leeyahay heerarka hoose, dhexe iyo sare, iyo hal iskool oo hoose/dhexe ah. Waxaa kaloo ku yaal dhawr iskool gaar ah (baraybid) oo lagu barto luqadaha, kumbiyuutarka, sayniska iyo xisaabta. Waxaa kaloo laga furay mac-had sharci ah oo heer dugsi sare ah oo si weyn wax uga badali doona heerka aqoonta iyo wacyiga bulshada deegaankaan iyo kuwa ku xeeranba.
Haddaba waxaan halkaan idiinku soo bandhigaynaaa warbixin ku saabsabsan dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee degmada Galdogob oo ah dugsiga ugu da-da weyn degmada.
Dugsiga H/dhexe ee degmada Galdogob waxaa la dhisay sannadkii 1962kii, waxaana la furay 1963kii. Iskoolkaan oo heerar kala duwan soo maray waxaa wax ku bartay dad fara badan oo rag iyo dumarba leh, hoggaanka bulshadana kaga jira kaalimo kala duwan. Waxaa ka baxay dugsigaan dad hadda isugu jira culimo, siyaasiyiin, saraakiil, ganacsato iyo aqoonyahano kale oo ku takhasusay qeybaha aqoonta.
Dugsigaan wuxuu xirmay 1982kii, xilligaas oo magaalada ay qabsadeen ciidanka Itoobiya, waxaana dib loo furay 1993kii.
Dugsigaan oo xilligii dawladdu dhisnayd ahaa heer dugsi dhexe ayaa hadda ay u dhammaystirmeen heerarka waxbarasho oo yeeshay dugsi sare.
Waxqabadka iyo horumarka dugsiga
1. Dugsigu wuxuu haystaa dhisme weyn iyo dhul ballaaran oo u bannaan.
2. Waxaa hadda dhigta 417 arday oo 97 ka mid ahi dugsiga sare ku jiraan.
3. Dugsiga waxaa wax ka dhiga macallimiin tayo leh oo gaaraya 10 macallin oo lix ka mid ah jaamiciyiin yihiin, afarta kalena yihiin heer diplome iyo dugsi sare. Macallimiinta dugsiga wax ka dhiga waa rag qaatay tababaro macallinimo, isla markaana leh khibrad iyo waaya-arganimo dheer. Arrintaa waxay keentay in dugsigu ka mid noqdo kuwa ugu tayada iyo sumcadda weyn deegaanada P/land.
4. Waxaa dugsigu leeyahay qeyb ardaydu ku bartaan kumbuyuutarada, waana arrin uu kaga duwan yahay, kagana horreeyo dugsiyada ku yaal P/land.
Maamulaha dugsiga Ustaad C/salaam Yuusuf Xaaji Max-ud waxa uu yiri: annaga oo kaashanayna guddiga waxbarashada deegaanka waxaan ku guulaysanay in aan keensano macallimiin aad u tayaysan, sare u qaadista aqoonta ka sokowna waxaan xoog saarnay wacyiga iyo akhlaaqda ardayda. Taas oo keentay in dugsigu noqdo mid ka mid ah dugsiyada ugu tayada wanaagsan, uguna sumcadda weyn deegaanka P/land. Waxaa kaloo aan si gaar ah ugu faraxsanahay hanweynida iyo kalsoonida ay isku qabaan ardaydayadu, taas oo ka muuqata xilkasnimadooda iyo meelaha sarsare ee ay hiigsanayaan.
Dugsiu xaggee raacsan yahay?, yaase ictiraafsan?
Waxaa iyana xusid mudan in dugsigaani xubin ka yahay dalladda waxbarshada FPENS oo ah tan ugu ballaaran dalweynaha Soomaaliya, isla markaana haysata ictiraafka hay-adaha waxbarashada ee caalamiga ah iyo dawladaha deeqda waxbarasho siiya Soomaaliya, arrintaas oo qeyb weyn ka qaadanaysa sumcadda iyo kalsoonida dugsiga, iyo fursadaha waxbarsho ee u furan ardayda ka soo baxda.
Baahiyaha dugsiga:
1. Qalab Sheybaar (Laboratory).
2. Maktabad (library).
3. Dugsigu wuxuu u baahan yahay in lagu wareejiyo darbi.
4. In dadka aqoonta leh, sida ragga jaamacadaha wax ka dhiga ay soo booqdaan oo siiyaan maamulka iyo macallimiinta afkaar iyo talooyin lagu sii hormariyo dugsiga, waxaa kaloo suurtagal ah in qoraal ahaan loogu soo diro.
5. In loo fidiyo taageero waxbarsho oo micneheedu yahay in ardayda ka soo baxda loo helo jaamacado deeq ah iyo qaar laga baxsho lacagta.
click here for the Pictures & Link
http://www.goldogobtimes.com/index.php? ... &Itemid=38
mashallah Gold city is progressing day by day minute by minute




