Laba Nin oo Lagu Diley Duleedka Gaalkacyo
September 27, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (1)
Laba Nin oo Lagu Diley Duleedka Gaalkacyo | read this item Horseed Media
News Desk
Waxaa maanta laga helay duleedka magaalada Gaalkacyo meel 3km magaalada u jirta, laba dhalinyaro ah kuwaan oo u muuqdey niman la diley.
Warbaahinta Horseed Media oo xiriir la samaysey Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug Col. Muuse Xasaasi ayaa u xaqiijiyey falkan, waxaana uu sheegay in nimankan ay dileen dad burcad ah ayna ku raadjoogaan, Taliyaha ayaa sheegay in nimankan da’doodu qiyaastii ay tahay 25- 30 jiro, waxaana jira warar aan rasmi ahayn oo sheegay in ay walaalo yihiin.
Meydka raggan ayaa la keenay magaalada waxaana ka muuqdey sida loo sheegay Horseed Media dhaawacyo rasaasta ka dhacda qoryaha.




