Waxa siyaabo kala duwan logu dilay magaalada Bosaso maanta iyo Habeenimadii xalay labo nin oo ka soo jeeda Beesha Jareer weyne, waxana dilkii ugu dambeeyey uu ka dhacay maanta barqaanimadii Agagaaarka Hotel Bosaso Ama dhabarka dambe ee Cisbitaalka Bosaso
Dilkan ayaa la sheegay inu yimid kadib markii aay uu muran dhexmaray Marxuumka la dilay iyo nin kale kuwas oo kala wotay labo gaari, waxana la sheegay in Marxuumka la dilay u ka codsaday ninka wax dilay inu Gaariga ka leexiyo goob wado ah oo u rabay inu gaariga u wotay la maro, balse Ninka wax dilay ayaa arrinka ka dhega adeygay isaga oo isaguna codsi kaas la mid ah u jeediyey ninka la dilay, muran dheer kadibna waxa u la soo baxay Baastoolaad isaga oo madaxa kaga dhuftay hal xabo taasi oo sababtay dilka ninkaasi
Ninka wax dilay ayaa la sheegay inu ka soo jeedo degaanada Puntland, halka kan dilka loo geystana u yahay Nin Jareer ah ama reer Konfuur ah
Dhanka kale waxa habeenimadii xalay Askaari ka tirsan dowlada Puntland u isaguna dil kula kacay nin isaguna isla beelaha Jareer weyne ka soo jeeda kaasi oo la sheegay in isagana u muran dhex maray kadibna u xabad ku dhuftay taasi oo sababtay geerida ninkaasi
Marxuumka maanta la dilay iyo kan xalay la dilay ayaa la sheegay inay walaalo ahayeen sidaa wararku sheegen, waxana la sheegay in Marxuumka maanta la dilay u socday sidii u soo qadi laha Meydka ninka walaalkiis ah xiliga Lagu dhexdilay Gaarigiisa
Dilalka noocan aha ayaa iska ah kuwa mar kasta ka dhaca magaalada Bosaso, waxana intaa badan sharciga halkaasi ka jira sii weyn ugu dulman dadka asal ahan ka soo jeeda degaanada ka baxsan Puntland.
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62



