October 8, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments
Horseed Media
Boosaaso,Puntland
Isimada gobolka Bari ee dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa si aad ah usoo dhoweeyey howlo lagu dhisayo wadooyinka gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri ayadoo dhismooyinkaasina ay fulinayso dowlada hoose ee magaalada Boosaaso.
Kadib howlo kormeer ah oo ay isimadu maanta kafuliyeen qaybo kamid ah wadooyinka magaalada Boosaaso oo ay dhismooyin lagu dayactirayo wadooyinka kasocdaan iyo sidoo kale mashaariic lagu horumarinayo koronto gelinta magaalada Boosaaso ayuu talaabooyinkaasi kusheegay inay yihiin talaabooyin muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarka afhayeenka isimada gobolada Bari Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi.
“Waaynu aragnay meelaha ay dhismooyinka iyo dayactirka wadooyinka kasocdaan oo ay wado dowlada hoose run ahaantii waynu kuqanacnay qaabka ay howshu usocoto waana soo dhoweyneynaa waana ku dhiirigelineynaa dowlada hoose howsha horumarinta ah ee shacabka ay uheyso “ayuu hadalkiisa sii raaciyey Suldaan Maxamed Yuusuf Cabdi afhayeenka isimada gobolka Bari.
Ugu dambeyntii Isimida ayaa ugu baaqay shirkadaha ganacsiga ee ka howlgala xarunta ganacsiga ee dowlada Puntland ee Soomaaliyeed inay kaqaybqaataan mashaariicda lagu hormarinayo islamarkaana lagu soo saarayo Bilicda magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Maalmahan waxaa si habsami leh uga socda gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari howlo ladoonayo in lagu soo saaro bilicda iyo quruxda magaalada Boosaaso taasi oo ay wado dowlada hoose ee magaalada Boosaaso talaabooyinkaasi oo aanay horey uqaadin maamuladii soomaray degmada Boosaaso waxaana dhowaan ay ahayd markii Madaxweynaha dowlada Puntland ee Soomaaliyeed uu xariga kajaray dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
------------------------------






