Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Warbixin Ku Saabsan Shirka Nairobi Ka Dhacay Ee Lagu Doortay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Warbixin Ku Saabsan Shirka Nairobi Ka Dhacay Ee Lagu Doortay

Postby MrPrestige » Tue Oct 13, 2009 7:24 am

Warbixin Ku Saabsan Shirka Nairobi Ka Dhacay Ee Lagu Doortay Guddoomiye Urur Iyo Ku Xigeen.
Written by Jidbaale
Tuesday, 13 October 2009 09:12

Nairobi(Jidbaale.com):-Tan iyo markii shirku ka furmay magaalada Nairobi waxaa is dhex xaluuqayey warar badan oo is burinaya, hasa yeeshee wararka naga soo gaadhaya magaalada Nairobi waxa ay tibaaxayaan in shirka aan lagu dooran madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee lagu doortay urur aan ka fogayn urur lagu hawl galinayo sidii dalka waxlooga qaban.

Cismaan C/nuur Xaashi oo ah xubin miisaan ku leh bulshada dhexdeeda ayaa cadeeyey in aan goobtaas lagu dooran madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen hasa yeeshee lagu doortay hogaan siyaasadeed iyo mid difaac. Laguna midayn lahaa bulshada.



Warar kale oo xogogaal ahi waxay sheegayaan in ururka NSUM waftigii ka joogay shirka ay hormuud ka ahaayeen waxa ka soo baxay shirka taageerana u muujiyeen iyaga oo wax ka sameeyey sharcigii lagu maamuli lahaa ururkan cusub, oo u muuqda in dhinacayadii markii hore fikirka ku kala duwanaa ay meel dhexe isugu yimaadeen, shirka ka dhacay Nairobi oo bulshadu indhaha ku haysay ayaa dad badani waxay aad u danaynayeen in aan loo tusin dadka in wax la hadoodilayo, taas oo oo soo baxday markii shirkii dhamaaday, xubnihii ka socday wufuuda qurbuhuna si deg deg ah u soo baxeen iyaga oo aan warbixin ka sheegin sida shirku u dhacayey.



Wararkii ugu horeeyey ee ka soo baxay shirka ayaa markii magacyo kala duwan loo adeegsadey hogaankan iyada oo wararkii ugu horeeyey si kala duwan u soo baxeen, kuwo ku tilmaamay in amadaxweyne iyo ku xigeen la doortay iyo kuwo ku tilmaamay hogaan, taas oo dad badan shaki ku abuurtay, sida xaal u socdo.



Dadweynaha Nairobi ku dhaqan ayaa fikrado kala duwan ka muujiyey natiijada shirka ka soo baxday iyada oo dadka qaar sheegayaan in ay haboonayd iyada oo laysku dhan yahay oo saxaafadoo dhami joogto doorashadan la qabto, ee aysan ahayn in meel qarsoon waxlagu soo habeeyo, ka dibna warar teel teel ahi dibada u soo baxaan qofwalibana siduu doonayo u adeegsado.

Waxaana markiiba soo baxday iska warqab la,aanta wufuudii ka tagtay qurbaha iyo xubnihii ay ka soo kicitimeen taas oo keentay in lays weydiiyo qofkastaaba waxa uu ka qabo shirka, iyo halka ay ku danbeyeen intaba, aduunka oo maanta ka horumaray iskaadhsiinta casrina tahay ay keentay in warkiiba ka horeeyey kuwii shirka fadhiyey iyaga oo aan war laga helina ,oo war hordhac ahi faafay.



Xaqiiqada shirka taalay ayaa waxa ay aad u xoojinaysaa in dhamaan xubnihii shirka ku sugnaa ay isla ogaayeen go,aanka ka soo baxay shirka kaas oo ah in la sameeyo hogaankan, waxa kale oo muuqata in ay kala hor dhaceen ha ku timaado maamul yac-yacoodsanaanta xubnaha shirka ku sugnaa dhamaantood.Isku soo wada duuboo arrintan ayaa hadda u baahan in dhamaan ergooyinka ku sugnaa shirka ay si daacadi ku jirto uga warbixiyaan wixii dhacay iyada oo markasta oo la daaho ay keeni karto in meelo badan wax loo tiiriyo.

Jidbaale.com

jidbaale.com@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it




Last Updated on Tuesday, 13 October 2009 10:31

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Re: Warbixin Ku Saabsan Shirka Nairobi Ka Dhacay Ee Lagu Doortay

Postby sheekh-Farax-zero » Tue Oct 13, 2009 10:06 am

why don't you post it in Sanburu_Land section,, some of you may get heart attack :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests