Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland

Postby sheekh-Farax-zero » Sat Oct 17, 2009 5:25 am

Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland usoo Gacan-galiey Eedaysane Dhawaan nin reer Puntland ku jar-jaray Garoowe

Mogadishu Saturday 17 October 2009 SMC

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay Dowlada Puntland maalin ka hor usoo gacan-Geliyeen eedaysane Dowlada Puntland baadi goobeysay bilihii u danbeeyey kaas oo ku eedaysanaa in uu xub-xubin u jar-jaray muwaadin reer Puntland.

Eedaysane Cumar Maxamed Xaaji Cusmaan oo 28 sano jir ah ayaa dowlada Puntland baadi goobeysay bilihii u danbeeyey waxaana laga soo qabtay Degmada Afgooye todobaadkii tagay halkaas oo uu deegaan ahaan u degenaa waxaana soo gacan-geliyey maamulka islaamiga ah ee halkaas ka jira.

Taliska Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug ayaa eeaysanhaasi oo diyaarad lagu waday kasoo gelbiyey Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo,waxaana uu xalay ku hoyday Magaalada gaalkacyo halkaas oo saaka laga ka xeeyey loona kaxeeyey dhanka Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug Col. Muuse Axmed C/raxmaan (Xasaasi) ayaa saxaafada u sheegay in xiriir ay lasameeyeen Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ka danbaysay soo qabashada ee eedaysanahaasi waxaana uu sheegay in uu maanta u gudbiyey dhanka gobolka Nugaal oo uu ku eedaysnaa in uu danbi kasoo galay.

Cumar Maxamed Xaaji Cusmaan waxa uu bishii hore dilay nin u dhashay Gobolka Nugaal ee Puntland kaas oo uu hilibkiisii jar-jaray kabacdina uu ku riday bacmadow,waxaan laga dhex helay Xubnaha ninka ladilay barkad ku tiilay Xaafadiisa,ninkan uu dilay Cumar Shaqaale ayuu u aha waxaana uu ugu shaqeynayey Guri uu ka dhisanayey Garoowe,waxaa sidoo kale Boolisku ay sheegen in ninkani uu Dhacay Lacag gaaraysa 10,ooo$ (Tobon-Kun oo Doolar),oo uu lahaa Marxuumka Dhintay.

Horay ayaa maamulka Puntland waxaa ay Gacanta ku soo dhigeen labo nin oo kale oo ayaguna lagu sheegay in ay Falkaasi ka qeybqaateen,waxaana mid kamid ah lagu soo qbatay Magaalada Gaalkacyo.

Somaliweyn Media Center “SMC”

User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland

Postby gemini07 » Sat Oct 17, 2009 7:29 am

Cumar Maxamed Xaaji Cusmaan waxa uu bishii hore dilay nin u dhashay Gobolka Nugaal ee Puntland kaas oo uu hilibkiisii jar-jaray kabacdina uu ku riday bacmadow,waxaan laga dhex helay Xubnaha ninka ladilay barkad ku tiilay Xaafadiisa,ninkan uu dilay Cumar Shaqaale ayuu u aha waxaana uu ugu shaqeynayey Guri uu ka dhisanayey Garoowe,waxaa sidoo kale Boolisku ay sheegen in ninkani uu Dhacay Lacag gaaraysa 10,ooo$ (Tobon-Kun oo Doolar),oo uu lahaa Marxuumka Dhintay.
-------------------------------------------------------------


:shock: Waa wareey . $10,000 buu nin uu jar jaray .Mooryaan :down:

User avatar
abdi342
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 250
Joined: Sat Nov 01, 2008 9:14 pm

Re: Maamulka Degmada Afgooye oo maamulka Puntland

Postby abdi342 » Sun Oct 18, 2009 7:11 am

good job! Ninki nin dilaa waa la dilayaa fakan mayo.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests