Laascaanood (RBC):- Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool, ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax lagu soo dhaweynayo shirkii ku soo gagbogaboobey Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Kumanaan dad ah oo isugu jira Caruur,Haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Laascaanood, waxayna muujinayeen dadkan oo iskood isku soo abaabuley sida ay u taageersan yihiin qodobadii kasoo baxay shirkii beelaha Sool,Sanaag iyo ee kusoo idlaaday Magaalada Nairobi.
Goob jooge ku sugan Magaalada Laascaanood oo lasoo xariiray RBC Radio, ayaa sheegaya in dadku ay si nabad galyo ah ku mareen wadooyinka magaalada oo aysan jirin habo yaraatee wax dhib ah oo uga yimid Ciidamada Maamulka Somaliland ee gacanta ku haya Magaalada Laascaanood.
Goobjoogahan waxaa uu sheegay in dadkan ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan shirkaas qodobadii kasoo baxay iyo hogaanka cusub ee shalay xilkaas ay u doorteen ergadii gobalada Sool ,Sanaag iyo Cayn ee mudada ku shirsanayd magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Banaanbaxan ka dhacay Laascaanood ayaa ka tarjumaya rabitaanka ay dadka gobaladaasi u hayaan in ay danahooda si gaar ah uga tashadaan, maadaama gobaladaasi ay noqdeen kuwo markastaba murankoodu joogto ka yahay Puntland iyo Somaliland.
Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay go’aamadii shirkaas kasoo baxay, madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland Gen.C/samad Cali Shire oo kasoo jeeda Gobaladaas ayaa walaac ka muujiyay natiijadii shirkaas mar uu la hadlayay idaacadaha gudaha Puntland , sidoo kale Wasiirka Cadaalada Somaliland oo la hadley Idaacada BBC-da ayaa isaguna muujiyay sida loogu baahan yahay in wadatashiga la balaariyo la isuguna yimaado gudaha dalka gaar ahaana Gobalka.
Abdulkadir Warsame Yuusuf
RBC Radio,News Desk
Support for Nairobi Conference
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
Re: Support for Nairobi Conference
Picture's speak more then thousand words.
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
Re: Support for Nairobi Conference
why should i post pictures, you wouldn't believe it any way.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 425 Views
-
Last post by KingTuk
-
- 3 Replies
- 498 Views
-
Last post by Barkhadd
-
- 7 Replies
- 907 Views
-
Last post by Magnusomalius
-
- 20 Replies
- 1377 Views
-
Last post by original dervish
-
- 6 Replies
- 451 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 0 Replies
- 254 Views
-
Last post by LeonidaS
-
- 17 Replies
- 1756 Views
-
Last post by D-Runner
-
- 41 Replies
- 3864 Views
-
Last post by original dervish
-
- 0 Replies
- 536 Views
-
Last post by Eaglehawk
-
- 12 Replies
- 1086 Views
-
Last post by CoolPoisons