Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SBC TV Honors Cade Muse

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

SBC TV Honors Cade Muse

Postby Southie4life » Fri Oct 23, 2009 2:43 pm

Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Cadde Muuse Iyo Soo Laabashadiisa

Madaxweynihii hore ee dowlada Puntland Maxamuud Muuse Xirsi Jeneraal Cade Muuse Ayaa waxa uu dib ugu soo laabtay deegaamada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso Isagoo bilooyina wadanka dibadiisa ku maqnaa.

Jeneraal Cade Muuse oo ay ku soo dhoweeyeen garoonka Bender Qaasim ee magaaladan Boosaaso dad weyne aad u fara badan oo lulayay boorar uu ku sawirnaa Cade Muuse Kuna qornaayeen halku dhigyo ay ka mid ahaayeen Halyaygii Nabada Puntlan Iyo Aabihii Horumarka Puntland ayaa dadweynahaasi waxaa horkacayay Isimo Nabadoono Iyo waxgarad ka soo kala jeeda gobolada puntland kuwaasoo ay weheliyeen mas,uuliyiin Ka tirsan maamulka iyo maamulkii hore ee Generaal Cadde.

Cadde Muuse ayaa waxaa uu saxaafada hadal kooban ku siiyay qaybta dhismaha ee Terminaalka garoonka Boosaaso oo ahayd horumar ay ku faani karaan shacabka Puntland Gaar ahaana u galay buugga Xasuusta Waxqabadka Shacabka Jeneraal Cadde ayaa Waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa dalka iyo soo dhowaynta loo Sameeyey.

Sidoo kale Generaal Cadde waxa uu sheegay in uu la socdo xaalada dalka ayna si Wanaagsan ay isugu fiican yihiin dhamaan mas,uuliyiinta xiligan maamulka Puntland Majaraha u haysa Uuna ka rajeynayo in ay sii ambaqaadi doonaan talaabooyinkii Horumarineed ee uu Qaaday maamulkii Cadde iyo in ay ku dadaaalaan maamulka haatan Jira nabada iyo Horumarka Arimaha Bulshada.

Dhanka kale waxaa uu tibaaxay in uu kulamo la qaadan doono mas,uuliyiinta Puntland Iyo qaar ka mid ah Isimada iyo waxgaradka oo uu sheegay in uu lasoo qaadi doono sidii Si wadajir looga qayb qaadan lahaa horumarka iyo nabada Puntland oo uu ku nisbeeyay Hooyadii Nabada Soomaaliya .

Gaar ahaan waxaa uu Cadde Muuse xusay beelihii dhowaan ay dirirtu ku dhexmartay Deegaanka Igdhays oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka bari oo uu sheegay in Beelahaas ay yihiin walaaalo dabka kala qaata ood wadaag iyo oon wadaagna ah oo Loo Baahan yahay in si wadajir looga qayb qaato.

Ugu danbayntii Genaraal Cadde Muuse ayaa maamulkiisa iyo isaga lagu xasuustaa Afartii sano ee uu Puntalnd maamulayay waxqabadkii arimaha bulshada Gaar ahaan Isbitaalo, MCH-yo badan, Dugsiyo waxbarasho, Ceelal iyo Gacan u fidintii Dadka ka soo Jeeda deegaamadan ee ay la derseen abaaraha iyo biyo la,aanta iyo waliba dadkii ka soo Barakacay dagaalada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya tan kale oo lagu xasuusto Waxa ay tahay garoonka Boosaaso oo ay gashay dhaqaalo badan dhismaha terminaalka Oo kaliya ay ka dhiman tahay Runway-ga markaasina noqon doona Garoonka ugu wayn Uguna quruxda badan Soomaaliya iyo waliba dhismiyaal xarumo oo loo yagleelay Dekeda Boosaaso uuna hindise lagu waynaynayo dekedaas iska lahaa Sidoo kale qorshe Lagu dhisayo garoonka garoowe iyo dekad loo sameeyo dekeda Garacad ee gobolka Mudug.

Maamulkiisa Cadde waxaa kale oo ay ku dhaqaaqeen talaabooyinkii ay qaadeen wasaaradihiisa gaar ahaan Wasaaradii Dowladaha Hoose oo markaasi dhinacyo badan oo Ku aadan jaan goynta canshuuraha ku samaysay dhamaan goboloda Puntland iyo waliba La xisaabtanka Hay,adaha ay ku quseeyaan golayaasha dowladaha hoose ee loo Sameeyay Degmooyinka Puntland iyo figradeeda oo noqonaysa wax lagu faano samaynta goloyaasha degmooyinka.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa heshiiskii uu la galay madaxweynihii Puntand ee Isaga Ka horeeyay C/llaahi Yuusuf markaasoo uu gudoomiye u ahaa Ururkii la magac baxay Badbaadinta Puntand heshiiskaasoo oo soo afmeeray dagaalo mudooyin socday isagoo Sidoo kale maamulkiisa uu ku caan baxay Nabada iyo sidii loo heli lahaa Qaran Soomaaliyeed oo Federaal ah.

Icekristella
Posts: 191
Joined: Mon Jan 07, 2008 6:41 pm
Location: London

Re: SBC TV Honors Cade Muse

Postby Icekristella » Fri Oct 23, 2009 5:08 pm

Mansh'Allah.............Cadde Musse is truly an inspiration. He's the best leader Puntland has ever had.
He deserves this and more .

Afri_Somali
Posts: 139
Joined: Sat May 02, 2009 8:29 am

Re: SBC TV Honors Cade Muse

Postby Afri_Somali » Fri Oct 23, 2009 9:45 pm

:som: :clap:

User avatar
Cinque Mtume
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4005
Joined: Fri Mar 06, 2009 5:36 pm
Location: Tres Puntos

Re: SBC TV Honors Cade Muse

Postby Cinque Mtume » Sat Oct 24, 2009 12:52 am

Icekristella wrote:Mansh'Allah.............Cadde Musse is truly an inspiration. He's the damn funniest leader Puntland has ever had.
He deserves this and more .


Fixed. His Reer Markood accent is priceless.

Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: SBC TV Honors Cade Muse

Postby Southie4life » Sat Oct 24, 2009 1:38 am

BURTINLE BOY

Oct 22nd, 2009

President cade muse soo dhawoow gacmo furan iyo qalbi safix ah. iskoolka iyo ceelkad dhistey waa kad aragtid burtinle sidey u baxad weynatey Boqor burtinle caleemo qoyan kugu soo dhaweneysa.

***from commments section on horseednet***


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests