Qaar ka mid ah ehelada Shiikha, ayaa RBC Radio u sheegay in wadaadka lagu siidaayay damiin, kadib markii odayaal ay ka dabo tageen maleeshiyaadka Shabaabka, waxayna ehelada wadaadkan RBC Radio u xaqiijiyeen in wadaadka caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo uu san qabin wax dhib ah marka laga reebo xoriyadii oo ka maqneyd.
Sidoo kale waxa ay ehelada Shiikhu intaas ku dareen, in Alshabaabku ay haystaan gaari uu wadaadku leeyahay oo ay hore uga dhaceen, waxaana keentay in wadaadka la xiro sida eheladu xaqiijinayaan kadib markii uu Al-shabaabka dabagalay oo uu gaarigiisa u raadsaday.
Culimada iyo waxgaradka Gobalka Bay ayaa soo dhaweeyay siidaynta Sayid Cali Xaaji, waxayna ku tilmaameen xarigiisa mid xaqdaro ahaa , waxaana horey gurigiisa oo Baydhabo ku yaal u dhacay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab kadibna wadaadka kala baxay, waxana la sheegayaa in ay ku hayeen xabsi ku yaal Baydhabo.
Dhacdadan ayaa noqotey mid lala yaabo, oo waxaa isweydiin leh meeday diintii Al-shabaabku sheeganayay ee ay lahaayeen waxaan ku dhaqaynaa dalka, arinta lala yaabayse waxay tahay in qof culimo ah oo aqoon diimeed oo xeel dheer leh in hantidiisii inta la dhaco hadana xabsiga la dhigo, shacabka gobalada ay shabaabku gacanta ku hayaan ayaa aad u cabanaya, waxayna Shabaabku wadaan tacadiyo ay shacabka u gaysanayaan oo quryooyo ah.
He`s my grandfathers cousin




