Update on the situation in Gaalkacyo
10 ruux ayaa geeriyootay in kabadan 50 
waxaa soo gaaray dhaawac kadib dagaal culus oo maanta dhexmaray Ganacsatada Suuqa weyn ee magaalada Gaalkacyo iyo malayshiyaad ka yimid dhinaca koonfurta Gaalkacyo oo garab dagaal ka helaya ciidamada maamulka Gal-mudug.
Dagaalka oo bilowday barqadii saaka abaare saacadu markey ahay 09:30 ayaa waxaa uu ka bilowday weerar bambaano ah oo lala eegtay Duqa Degmada Gaalkacyo oo xilligaasi ku sugnaa suuqa magaalada, kuna guda jiray howlgalo lagu bur-burinayo dhismayaal sharci darro ah oo ku yaala suuqa, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana dhaawac uu gacanta bidix ka soo gaarey Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan.
Dagaalka ka dhashay qaraxa lala eegtay Duqa Degmada ayaa sii xoogeystay, waxaana goobta suuqa ah ee dagaalku uu ka qarxey soo buux dhaafiyay malayshiyaad farabadan oo ka tirsan maamulka Gal-mudug, kuwaasi oo rasaas ku as-qeeyay dad farabadan oo suuqa ku sugnaa , waxaana durbadiiba dagaal adag kala hortagey Ganacsatada magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka damqaday dhibaatada malayshiyaadkaasu suuqa ka geysteen.
Dagaalka ayaa gelinkii hore ee maanta aad u xooganaa, waxaana magaalada laga dhex maqlayay rasaasta noocyadeeda kala gedisan, waxaana goobaha uu dagaalku sida ba’an uga socday ay ahaayeen labo dhinac oo kala ah, Jidka weyn ee gala Cirtoogtaha, iyo waliba Jidka gala suuqa Seylada wadada hormarta Masjidu-jaamaca.
Mar aan la xiriiray laamaha Caafimaadka ee labada dhinac , waxaa ay ii xaqiijiyeen dhinaca Koonfurta dhimashada 6 ruux iyo in kabadan 25 ruux oo dhaawac ah, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, halka dhinaca waqooyiga la iigu sheegay dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca dad 20 gaaraya.
Ciidamada Amaanka Gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaanan maanta ka qeyb qaadan dagaalka, marka laga reebo ciidamo ka tirsan Dawladda Hoose oo iyagu difaac ka galay suuqa si uusan dagaalku ugu soo durkin, waxaana dagaalka intii uu socday shir aan caadi ahayn isugu yimid dhamaan maamulka Gobolka Mudug, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Dawladda Hoose, waxaana Shirka gadaal kaga soo biiray Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi, waxaana kulanka ka soo baxay in la qaboojiyo xaalada, Maamulka Gobolkuna ka shaqeeyo sidii xaalada amaan lagu dejin lahaa.
Kulanka Mas’uuliyiinta kadib ayaa waxaa xarunta Dawladda Hoose gaaray wadaado ka tirsan Culimaa’udiinka Ehlu-sunna Wal-jameeca ee waqooyiga magaalada, kuwaasi oo maamulka ka codsadey in xaalada la dajiyo, lagana qeyb qaato sidii waqtigan lagu qaboojin lahaa xaalada dagaal ee ka jirta magaalada, iyagoo sheegay in ay la xiriireen dhinaca koonfurta kana codsadeen dhinacooda in ay joojiyaan dagaalka.
Ma jirto cid kala dhex gashay dagaalka oo ka socota labada maamul ee ka dhisan magaalada Gaalkacyo, balse waxaa maanta gelinkii dambe abaare saacadu markii ay ahay 05:00 Galabnimo iskiis u qaboobay dagaalkii u dhaxeeyay Ganacsata waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyo malayshiyaad garab ka helaya ciidamada Maamulka Gal-mudug, waxaana degan guud ahaan jawiga magaalada, gaar ahaan halkii uu dagaalku maanta ka socday.