
Horseed Media
Bosaaso,Soomaaliya.
Kulan Balaaran oo ay isugu yimaadeen maamulka Degmada,kan Gobolka,Saraakiisha Caafimadka iyo qaar ka mid ah Bulshada ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka Dowlada Hoose ee magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Kulanka oo ay soo qaban qaabinayeen Dowlada Hoose ee magaalada Boosaso ayaa waxaa ku saabsanaa Kaarar aqoonsi oo Dowlada Hoose ee magaalada Bosaaso ay u sameeyeen dadweynaha Reer Puntland ee ku nool gudaha magaalada Bosaaso.



