Sargaal ka tirsan ciidamada Maamul goboleedka Puntalnd oo xalay lagu dilay Magaalada Qardho ee gobolka Bari
Shabelle: QARDHO
Waxaa habeenkii xalay dil toogasho ah loogu geystay gudaha magaalada Qardho ee gobolka Bari Sargaal sare oo ka tirsan ciidamad boliiska ee Maamul goboleedka Puntland.
Sargaalka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabayay Haykal Cali hiiraat waxaana dilkiisa geystay sida la sheegay rag afafka ay u duubnaayeen kuna hubeysnaa bastoolado.
Kadib markii uu dhacay falkaasi dilka ah ayaa Idaacada Shabelle waxaa ay xariir la samaysay wariye madaxbanaan oo ku sugan magaalada Qardho isagoona xaqiijiyay in sargaalkaasi toogasho loo geystay islamarkaana ilaa iyo hadda aan lagu guuleysan in gacanta lagu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay dilkaasi.
Dhowr habeen ka hor ayey aheeyd markii saldhiga ugu weyn magaalada Boosaaso lagu weeraray bamgacmeed iyadoo falkaana uu daba joogo falal amni xumo ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay laga dareemayay gobolada Bari iyo waqooyi ee dalka Soomaaliya.



