Ciidamada Booliska Magaalada Laascanood ayaa Xabsiga dhigay Labo nin oo ganacsato ah Maalinimadii Shalay, kuwas oo lagu kala Magacaabo Caaqil Aaden baxnaan Iyo weliba Cabdiraxmaan Cabdullaahi Qaadi, kuwas oo ciidanka Ammaanku soo qabtay
Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Gobolka Sool iyo Kan degmada Laascanood
In kasta oo warar hoose sheegayan in raggaasi lagu xiriirinayo Qaraxii Bishan Horaanteedii ka dhacay magaalada Laascanood kaasi oo aay u xir xiran yahiin Tiro dad ah
Ilaa hada Xukuumadda Rayaale cid sii rasmi ah uguma Sheegin inay ka dambeyso Qaraxyadii ka dhacay magaalada Laascanood ee lagu dilay Taliyahii qeybta 12 Ee Ciidanka Qaranka
Xukuumadda Rayaale ayaa mar kasta sidaan oo kale u xirxirta dad lagu Tuhmayo falal Argagaxisonimo, kuwas oo intaa la doono Xabsiyada lagu hayo



