GENARAL SNM OR I CALL GENERAL flower, GABAGAN WAA KII AAD SOO GALISAY MEESHAN EE YAWLE, KAN AAN ANIGU SOO GALIYEY EE HOOSE WAA JAWAABTII UU SAMATAR BAXNAAN KAGA JAWAABAY GABAYGAAS.. FADLAN AKHRI
Sidii oday malluugaha bartiyo moorada iyo faalka
Bal aan mariyo maansada anay igu majeertaane
Maskan iyo Cagaar Habar Jeclo mooyo tumanaysa
Oo midhaha dooggiyo ka badan maadha iyo ciidda
Masaakiin la dhaco waydinkii moodey reerahae
Marraaq lagu gubto iyo bay noqdeen muriyo waabaye
Muusiyo Qudeer uga aroor maalki reer Hagare
Imikay ku meermeerayaan Miilo iyo Laase
Madda kama helaan inamadii magaca waynaaye
MadaxGaallo iyo Toommo iyo Magan Xawaalkiisa
Maatadu haraad Samataroow waa ku madhataaye
Moqorraysta waataad arliga madhax u diiddeene
Kana macaasha waataad in badan maya lahaydeene
Malatari cadhoodaa lafbuu malaw ka siiyaaye
Maroodiguba soo jeesigaan maaro loo heline
Malyoon lagu dhinto bay dhigeen marinkii ceelkiiye
Ragse hadu magliga soo rogtoo kala maqnaan waayo
Muslin iyo kufriba waa inay maalin diriraane
maatada rasaas lala dhacaa malaha maamuuse
Makhrib reero degey tuugag baa mira habeenkiiye
Marjaf lama ammaanee baqii magane yuu raacay
Misir iyo Madheedh iyo Galgalo maye ragi joogay
Mataanaha gobka le Kahinaw waa lagama marmaane
Maryo Dhiig le baa lagu furtay iyo mayd la qawracaye
Iminkaan masqaro loo dilayn meel nin jiifsadaye
Mudo aan yarayn baan Nugaal muranto taagnayde
Ay qoloba qolo maaganayd inay maquunshaane
Allaylehe Isaaq baa mulkiyey maaxdi Caynaba'e
JAWAABTII GABAYGA YAWLE EE SAMATAR BAXNAAN: WAA TAN
Mooradu ma fiicniyo nin maal,lagu majeertaaye
Anse macallin diin laan ahoo, dhigayan mawliide
Sida shiikh mufti ahoo cilmiga,madal ka sheegaaya
Bal aan mariyi maaweeladaan,maahirkeed ahaye
Nin hadduu malluugada yaqaan, mooradiyo faalka
Isagiyo Fircoon baysku mida, maalin aakhiro e
Adow maraga oo shaacir waa,inuu mushteegaaye
Inuu gabaygi kaa yare mergedo,laguma moodayn
Marka hore hadday laba qabiil,kala maqnaan weydo.
Miyir lagu walaaliyo hadday,maarsi kala weydo
Mindiyo laysku dooxiyo hadday,maradu dhiigoodo
Mirta iyo dharaartuba dagaal,kama maqnaadaane
Mutux waxaa ka xoog badan sirtii, laysku mowtiye e
Waxba Habar jeclada aan MULKIYEY,haw makaabbirine
Shan qolaa mataanaha ka jaban,Maxamedkiinniiye.
Madmadoobayaal oo dhan baan,loo muraad qumine
Waa muusanoow iyo baroor,maansadaad tidhiye
Maadhiinka nimankaan la dhacay, miidha HABARYONIS.
ma midgay ahaayeen kuwii maganta noo jiifay
Magta geedquwaax lagu xukumay,waa rag kaa maqane
Ma mardaadi baa ka jiraan,muuqan mahayaane?
Mise waa kuwii lagu mudmuday,maqasha daaqeeda
Makhribkii hadaan duulay,waa mid an ku dheerahaye
Muunida aroortiyo hadhkii,kuma macaashteene
Waa taan makaartii Goleed, kaa mullaaxsadaye
Maydkii Isaaq lagala hadhay,moodharaa guraye
Waa kii waraabuhu ku mamay, maaxdii reer sahale
Haddii deyrtu waa mudan hartiye,nala mihiibsiiyo.
Meeshaad taqaanneen haddii,mayeyga loo diido
Meermeerka Gubaddood haddii,lagu maqnaan waayo
Sida maylka geeddigu hadduu,mudh isa soo siiyo.
Manqax iyo haddii xiditinnimo, la isku muuneeyo
Hadday muusayaal nala dersaan,nagama maarmaane
Dad ninkii manaabo la' haddii midigta loo dhiibo
Maqligaad afaysaa ku goyn, muruqa Yowloowe
Maatada xaggee reer cismaan, madaxa loo saari?
Mas baa kaga tufaye laaska yaa, mar uga soo dhaamin?.
WAR LAMA FAANO OO WALIBA BEEN LAGUMA FAANO.. COME ON GIVE UP.. I PROVE YO EVERYTHING GABAY, VIDOE, WHAT ALSE, SHOULD WE ASK BRITISH NOW?? I DONE WITH YOU MAN BYE
GABAYGA SAMATAR BAXANAAN OO DHAMASTIRIN HALKAN RIIX:
http://www.golkhatumo.com/Deyrtu.htm