Gaalkacyo(Puntlandi.com)Dagaalka ayaa sii cuslaadey waxaa goor dhaweyd ku soo dhacey xaafada Garsoor hoobiye ay ku dhinteen hooyo iyo cunug yar,dhinaca Baraxley khasaare aan lasoo koobi karin ayaa soo gaarey. dagaalkiina waa socdaa wali, wciidamada amaanka Gaalkacyo oo wata qalab aan horey dad weynuhu u arag ayaa fooda u saaran iney gudaha ugalaan xaafada Baraxley ee koonfurta Gaalkacyo.
wali khasaare kale lama soo sheegin labada dhinacba kala soco bogaan wii soo kordha hadba opdate ayaan ku sameyneynaa
Xafiiska wararka Puntlandi.com breaking news center
Warkii hore ee saaka
Gaalkacyo(Puntlandi)Magaalada Gaalkacyo waxaa saaka ka bilowday dagaal culus,Dagaalkaan ayaa waxaa ka qayb qaatey qayb yar oo ciidamada amaanka ah,kuwa kalena heegan ayaa lagaliyey.
Wali wax khasaara ah lama soo sheegin.Wariyaha Puntlandi Gaalkacyo ayaa hada ku sugan goobta dagaalku ka socdo.
Waxaa iyana magaalada duleedkeeda ku sugan ciidan aad u hubeysan oo dhawaan soo dagey kuwasoo ka tirsan sirdoonka Puntland PIS, iyana Heegan ayaa lagaliyey sida nalooka soo cadeeyey garowe.
Madaxda amaanka Puntland iyo Madaxweyne Faroole ayaa iyana lasugayaa maanta iney yeeshaan shir degdeg ah.
kala soco Puntlandi.com wixii soo kordha
saacad ka saacad
Xafiisyada wararka Puntlandi
Gaalkacyo/Garowe





