1990kii markii maamulkii MSBarre ku soo uruuray caasimada, gobollada oo
dhan dagaalladii sokeeye ku baaheen oo dab ka holcay, ayaa koox Mareexaan ah oo xilligaas naf-la-caari ahayd waxay madaxtooyada ugu tageen MSBarre oo faraxsan wax shido ahna aysan wejigiisa ka muuqan. Welwelka kooxda iyo dareen la’aanta MSBarre liddi bay isku ahaayeen, kadibna waxay ku calaacaleen, “waxaad tahay hoodo-laawe hadimo noo abuuray, Somaaliya meel xun baad dhigtay, Mareexaanna waxaad u beertay godob mugweyn, adiguna taariikh madow ayaad leedahay oo lafahaaga ayaa la gubi doonaa.” MSBarre oo dhoollacadaynaya ayaa ugu jawaabay kooxdii welwelsanayd, “waxaad tihiin maangaabyo aan baaxadegga siyaasadda beydna ka aqoon, saadaasha siyaasadda waxba kama taqaaniin, wuxuu hadalkiisii ku soo afjaray “Mareexaan wax eed ah looma qabsan doono, waxayna ahaan doonaan asharaaf ixtiraam mudan, anniguna waxaan noqon doonaa halyey qaran oo haybad leh.”
Gabaygii Nuux Saciid IYo saadaashiisi
Sabca iyo sabciin baan jiraa maalmo saa’ida’e
Suugaanta maansadana hantiyey sa iyo wowgeede,
Waxaan saxay waxaan saadiyey iyo waxaan samayn doono,
Aan sawiro bal maantana halkaan saanta dhiganayno,
Soddon sanaba qaran baan ahayn calan u saaraaye
Somaali sidii aan la rabay diiday samahiiye,
Saluugtoo midnimadii nacdaye hoog ma wada saaqay,
Waa maxay sawaxaankiyo haddaba salawga yeeraaya?
Su’aashaa jawaabteeda sugan sidatan weeyaane,
Siyaadkaa noo sareeyiyo intuu sahanku noo muuqdo,
Saxiixiisu intuu soconayaan siinad leenahaye,
Haddaan siigo kicin maalintuu talada siidaayo,
Haddaan lagu sallidin raggaan u nixin shacabka Somaali,
Haddaan saanad culus laysla dhicin Xamarna saaltaynin,
Sacabada haddii ayaan dhigan taajirradu suuqa,
Niman sarara weynaa hadeyan saxar ka sii dhuuban,
Sagaal goor hadaan laga darraan kaa na kala soocay,
Siyaadow, Siyaadow haddaan waaya lagu suuxin,
Soo celi Allahayow haddaannu noqonin sowdkiinu,
Somaali wacal baan ka ahay ee saa ha la ogaado….
Afshir Bacadle
Duqii hore maxaa loo eryoon kula dagaaleynay
Dalkii iyo dadkiyo diintii buu dumiyey sow maaha
Digtatoornimuu keenay iyo dulun cad sow maaha
Ka daroo dibi dhal-baan aragnay iyo furuqyo daacuune
Nin walbow walaalkaa dad qala haw durbaan tumine
Yaan laydin dabargoyn qabiil dowlad noqon waaye
Qolana qolo ma dabargoyn kadhee weysku daganteene
Ayax bililiqaa nagu dagoo diirtay beledkeenna
Duqii doona ducana ugu dara waadna dilateene
Allow yaa inoo diga markaan duqa ku yaacaynay
Allow yaa inoo diga markaan deriska riixayney,
Allow yaa inoo diga markaan dacarta beerayney,
Allow yaa dabaadiga hariyo degelka noo caynsha,
Allow yaa dabkoo idil ku rida dowlad gacanteeda,
Allow yaa dagaallada ahliga dib uga waantooba,
Allow yaa mar kale daawada deris walaaloobay,
Allow yaa dalkoo nabadgelyaa diinta ku hoggaansha,
Allow yaa dersiga muqadiska ah dib ugu soo laabta,
Allow yaa difaaciyo amniga dhidibadu u duuga,
Allow yaa daroogiyo qabiil inaga daaweeya,
Allow yaa dariis ciidan iyo dowlad mar u jeeda,
Dib wax ugama sheegeen askeri daa’in abidkeeye,
*****
Ninkaanse dhiigga daadanaya damaaqin yeelkiisa,
Rabbi hibadu ugu deeqay bay dacar ku beereene,
Gubey kaga daydeen oo dulmi bay derejo moodeene,
Afartaa qabiil nimuu dishoo dudaya haw sheegin,
Danta guud nimaan eeginoo doqona haw sheegin,
Dalka nimaan u dhalan kuma duxdee duulow haw sheegin,
Dad-qal dib-u-heshiisiinta neceb dulucda haw sheegin,
Nimaan diin lahayn iyo dabley dirirsan haw sheegin,
Murti nimaan da’deed gaarin iyo ducufo haw sheegin,
Afar-jeeble deyn hore cunoo dabacsan haw sheegin,
Digtatoor dan gooniya watoo durugsan haw sheegin,
Dambarkeeda nimaan maali jirin dowlad haw sheegin…