Laascaanood (Jidbaale.com) Horgale Jaamac Cabdi Faarax oo ku magac dheer Jaamac Tarshad oo ahaa taliyihii ugu magacownaa saldhiga daami ee ku yaalla dhinaca koonfureed magaalada la haysto ee laascaanood, oo isagu dhawaan ka hadlay masjidka Al Huda, ayaan la ogayn meel uu u baxsaday.
Horgale jaamac tarshad oo ka hadlay masaajidka Al huda, halkaasina ka sheegay sir badan oo dahsoonayd, shacabkii goobta ku cibaadaysanayeyna u sheegay in isagana lagu daba jiro, ayaa isla shalayba waxay maleeshiyada magaalada haysata isku dayday inay soo qabtaan Jaamac Tarshad, balse kumay guulaysanin
Sidaa aanu wararka ku helayno Jaamac Tarshad iyo xayntii ilaalada u ahayd waxay shalayto ka war heleen inay maleeshiya hubaysani ku soo socdaan si ay u qabtaan, hase ahaate Jaamac Tarshad iyo kooxdiisi ilaa hada la garan maayo meel ay lafahooda ula carareen.
Wixii ka soo kordha dib baanu idin la soo socodsiin doonaa
Jidbaale.com@gmail.



