http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=7424&z=2
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Mas'uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Mudug ee Dawlada Puntland ayaa maanta waxay Safar shaqo ku tageen Deegaano hoos yimaada Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug,waxayna usii gudbeen Deegaanka Dameercad oo 7-Km gudaha ugu soo jira Xuduudka Dalalka Soomaaliya & Ethiopia oo ay shirkad Wadooyin ka dhisaysay.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo ay Safarka ku weheliyaan Saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug oo uu kamid yahay Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in Shirkadaas dib looga celiyo Xuduudka Dalka Soomaaliya maadaama aysan wax amar ah u haysan inay Wadooyin ka qodo Gudaha Dalka Soomaaliya.
Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug C/lle Sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan oo Galabta APL xiriir lasamaysay ayaa sheegay in ay Shirkadaas ay ugu tageen Deegaanka Dameer Cad oo gudaha Soomaaliya ugu soo jira 7-km,wuxuuna sheegay in ay ku guuleysteen Celinta Shirkadaas oo uu sheegay in ay Wateen Niman Cadaan & Saraakiil Ethiopian ah,ayna kor ka ilaalinayeen Cutubyo ka tirsan Ciidamada Ethipia.
"Saaka ayaanu ugu tagnay Deegaanka Dameercad,waxaanuna u sheegnay in ay gudaha Dalka Soomaaliya soo galeen,isla markaasna ay Xadgudub ku sameeyeen Darisnimada labada dal,waxayna noo sheegeen in ay amarka qaadanayaan meesha way ka tageen oo qalabkoodii ayey aruursadeen"Ayuu yiri Muuse Xasaasi.
Muuse Axmed Cabdiraxmaan wuxuu u mahadceliyey Shacabka Degmada Galdogob oo si gaar ah howshaas ula soo socodsiiyey maanta ay la hadleen,wuxuuna sidoo kale sheegey in uu Waajib kasaaran yahay Dalka Soomaaliya qeybta ay iyagu ka joogaan,wuxuuna intaas ku daray in waajib ka saaran yahay ilaalinta Xuduudaha Dalka Soomaliya.
Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Mudug wuxuu APL u cadeeyey in ay Dawlada Dhexe ee Puntland aysan wax amar ah siin Shirkadaas inay Wado ka dhista Geyiga Soomaaliyeed,sidoo kalena wuxuu shaki geliyey shirkadaas inay xiriir toos ah la leedahay Dawlada Dhexe ee Ethiopia.
Shirkadan oo aanan weli si toos ah Magaceeda loo helin ayaa noqonaysa tii u horaysya oo si toos ah looga celiyo Xuduudka labada dal ee Soomaaliya & Ethiopia oo sanadkasta ay gudaha u soo galaan Shirkado & Ciidamo ka socda Dalka Ethiopia maadaama aysan jirin Weli Dawlada dhexe oo la xisaabtanta Ethiopia,wuxuuna Maamulka gobolka Mudug noqonayaa kii u horeeyey ee ku guulesta Dib u Celinta Shirkad aanan Amar u haysan inay Mashaariic ka fuliso Dalka Soomaaliya.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
------------------



