Dhilos Leader Xagletoosiye prisoned in kenya for terrorism
Posted: Fri Mar 26, 2010 10:08 am
Dowlada Kenya ayaa sheegtay inay dalkeeda ku qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Somalia, iyadoo laba ka mid ah dadkan ay yihiin Somali haysta dhalashoyinka Mareykanka iyo Canada.
Sida uu sheegay Madaxa ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Kenya Nicholas Kamwende oo saxaafada dalkiisa la hadlay ayaa sheegay inay qabteen dadkan Khamiistii shalay ayna dib ugu celin doonaan dalalkooda.
Dadka la qabqabtay ayaa waxay booliisku sheegeen inay qorsheynayeen inay u duulaan dalka Somalia si ay qayb uga noqdaan Al-Shabaab iyo Xisbul Islam, balse ay u suurogashay booliisku inay gacanta ku dhigaan.
Xubno Ajnabi ah ayaa la xaqiijiyay inay dadkaan ku jiraan, kuwaasoo xiriir la lahaa mucaaradka Somalia, waxaana dhalashadoodu ay kala tahay dalalka France, Syria, Tunisia, Belgium iyo kuwo kale.
Labada qof ee Somalida ah ee ka mid ah dadkan la qabtay ayaa waxaa lagu kala magacaabay Suleyman Ciise [ Xagle toosiye] iyo Axmed Xasan, kuwaasoo ka kala yimid Canada iyo Mareykanka, isla markaana doonayay inay aadaan Somalia.
Xagle Toosiye ayaa wararku sheegayaan inuu si qarsoodi ah ugu soo duulayey magaalada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud halkaasoo uga sii gudbi lahaa degaaanada Puntland.
Suleyman oo kamid ahaa tartamayashii xilka Madaxweynanimada Puntland ayaa madax u nqodey urur la sheegey inuu dib u xoreynayo magaalada Laascaano kasoo lagu aasaasey dalka Kenya.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xagle Toosiye loo haysto qaraxyo ka dhacey magalada Lascaano kuwasoo lagu diley saraakiil ka tirsan maamulka la magac baxey Somaliland.
Waa markii labaad oo ay Kenya qabto dad looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxaha Somalia kuwaasoo dhalashadoodu tahay Somali, balse wata dhalashooyin dalalka Reer Galbeedka ka tirsan.
Todobaadkii hore ayaa waxaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Kenya nin lagu magacaabo Xuseen Xaashi Faarax oo ka mid ah Somalida Australia, kaasoo la sheegay inay qabteen booliiska Kenya horraantii bishan.
Dhallinyaro badan oo Somali ah ayaa dhawaanahan ka tagayay dalalka galbeedka iyagoo ku biirayay xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-shabaab oo dagaal mideysan kula jira dowladda uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
GAROWE ONLINE