Saamo waxaa uu sheegay in uu ku noolaa nolol baqdin leh Ethpoia xiligii uu ku sugnaa,iyadoona sida uu sheegay ay isaga iyo xaaskiisa ka soo cararaen cadaadis ay dowlada wadankaasi kala kulmeen,waxaana uu dalbaday in aan lagu darin dadka ay Maamulka Puntland wadabkaasi dib ugu celinayaan.
Masuuliyiinta Puntland ee goob jooga ka ahaa xiligii la keenayay tahriibayaasha Saldhiga bartamaha ee Boosaaso ayaa sheegay in ay haatan u diyaariyeen gawaari lagu celiyo dadka ay soo qabteen ayna wada tashi la samaynayaan hay adaha shaqada ku leh qaxootiga eek u sugan Puntand.
Tahriibayaasha Ethopian-ka ee kasoo barakaca wadankooda ayaa ah kuwo noocyo kala duwan isugu jira,waxaana ay qaarkood uga yimaadaan wadankooda sidii ay u heli lahaayeen shaqo iyo nolol waxaana ay qaar kale usoo cararaan iyaga oo badbaadinaya naftooda oo khatar kala kulanta dowlada Ethopia oo la sheego in ay cadaadis ku haysa qaar ka tirsan dadyowga kala duwan eek u nool wadankaas.
Xuseen Xuska
SBC International Boosaaso.