Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland"Dhawaan Degmooyinka Xeeb

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland"Dhawaan Degmooyinka Xeeb

Postby oldenglish » Wed Jun 30, 2010 2:18 pm

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland"Dhawaan Degmooyinka Xeebta ayaan Booqan"

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha ee Dawlada Pl Siciid Hasan Shire oo haatan ku sugan Magaalada Ganacsi ee Bosaaso ayaa nooga Waramay Safaro uu Hayland Gobolka Cusub igu Baxay dhawaan isaga iyo Masuuliyiin kale oo Xukuumada ka Tirsan, Siciid Xasan Shire ayaa Sheegay inuu Hayland u Gaadhay sidii Gobolka dadka dega Ay ugala hadli lahaayeen ka shaqaynta Amaanka iyo Kobcinta Heerka Horumarinteed, waxa uu Cara baabay inuu Safarkiisa ku Gaadhay degmada Af-Urur iyo Ceel-Daahir X-Ceel Doofaar uuna kula kulmay Odayaasha deegaanka kuwaasi oo Gorfeeyay Xaaladaha deegaanka.



"Aniga dhawaan waan Tegay Caasimada Hayland ee Dhahar halkaasi oo aan mudo Joogay Odayaasha deegaanka Heer Gobol iyo Mid degmo waan is Aragnay waxaan isla Meel dhignay inay xoojiyaan Amaanka oo iska qabtaan Qof kasta oo doonaya inuu Nabadooda Jaah Wareeriyo"Ayuu Yiri Siciid Xasan Shire oo ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha PL.



Wasiirka ayaa xusay inuu Safarkiisa sidoo kale ku Gaadhay Degmooyin Hoos Yimaada Bari sida degmada Af-Urur iyo Degmada Ceel-Doofaar ee Saaran Laamiga" dadku waa dad Doonaya Horumar oo wada Abaabul ay Hanaan Maamul ku Kasban karaan aniga Ujeedkaygu wuxuu ahaa inaan dadka u sheegay inay is Kaashadaan oo ay xidhiidh Wanaagsan la yeeshaan Maamulka Waana iga qaateen Qorsha yaashu waa badnaayeen xitaa Xurgufo dadka deegaanka u dhexeeyay waan dhamanayn sid Odaynimo ah"Ayuu Yiri Siciid Xasan Shire.



Wasiirka Ayaa xusay inuu dhawaan u Kicitimo doono dhanka Degmooyinka Xeebta Saaran ee Sanaag sida Degmooyinka Taariikhiga ah ee Ceelaayo iyo Laasqoray kuwaasi oo u Booqandoono sidii dadka ay Ula Jeex jeexi lahaayeen is Kaashi Buuxa"Hadii eebe Idmo dhawaan waxaan Rabaa inaan Gaadho Degmooyinka Xeebta ilaa Buurta Rogan Anaga waxaan Wadnaa dadaal aan deegaanka Xaaladiisa ku Qiimaynayno Baahiya Jira sida Caafimaadka Waxbarashada Biyaha macaan iyo Wadooyinka meel aan Baahideeda la ogaan waxba Looma Qaba Karo Safarku Waa sidaasi"Ayuu Yiri Wasiirka Xananaada Xoolaha oo Khadka Telefoonka Noogu Waramay.







Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in Gobolka Cusub ee Hayland iyo Sanaag ay u Baahan Yihiin Horumar Balaadhan"Goboladu waa Kuwa Nabad Buuxda ay ka Jirto Wax Colaad ah kama Jiraan Markaa Meel Amaan Laga Helay Khasab Horumar waa ku xigaa Odayaasha iyo Ganacsada waa ku Mahadsanyihiin sida ay Nabadooda uga shaqeeyaan"ayuu Hadalkiisa ku soo Koobay.



Siciid Xasan Shire ayaa dhawaan Madaxwayne Faroole Digreeto uu soo saaray Ugu Magcaabay Wasiirka Xananaada Xoolaha iyo Beeraha PL isaga oo Masuulkii Xilkaasi hayay Laga qaaday Mudane Doonyaale.



Gobolka Hayland iyo Sanaag ayaa Wax Booqday Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Maamulka PL kuwaasi oo Indha Indhaynayay Xaaladaha Guud ee Gobolka iyo sidii Somaliland Gooni Goosadka dadka Looga Baraarujin lahaa.







Jaama Feyte



Dhahar.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests