Sharmaarke oo lagu wado inuu saacadaha soo socda hor tago golaha Baalamaanka
Xukuumada Federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay hor tagto golaha baalamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed, xilli maalmihii la soo dhaafey ay soconayeen dadaalo arintaasi ku saabsan.
Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay su'aalo weydiiyaan xukuumada, iyadoo dhinaca kalena ay jiraan warar sheegaya in xukuumada culeys lagu saarayo in ay kalsooni weydiisato baarlamaanka.
Xukuumada ayaa ku doodeysay in baarlamaanka ay codkii kalsoonida siiyeen baarlamaanka, hadana aysan mar kale u baahneyn.
Si kastaba dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa gudaha baarlamaanka ka soconayay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo aan hadda la ogeyn halka ay ku dhamaan doonaan.
Ciidamada dowlada ayaa xirey wadooyinka soo gala baarlamaanka si ay amaanka u sugaan, dadka Muqdisho-na waxay ka cabsi qabaan in duqeymo ay magaalada ka bilowdaan marka kulanka baarlamaanka uu furmi sidii dhici jirtey.


