cac yeman bank make offical visit to puntland
Posted: Fri Oct 29, 2010 12:52 pm

as a puntlander im happy for this achieve that can bring our state closer to be the perfect state in all somaliaBoosaso ( RBC Radio ) Waxaa Magalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari Soo Gaaray Wafdi Ka Socda Bangiga Caalamiga ah ee CAC-BANK Faraciisa Dalka Yaman.
Hadaba Masuulka Ka socda Bangiga Caalamiga ee Cac bank ayaa waxaa uu Booqasho Ku Maray Dhamaan Qaybaha Kala duwan ee dhinacayada dhaqaalaha Ee Puntland gaar ahaan Boosaso.
Dakada. Maxjarka Iyo Garoonka diyaaradaha ayaa ka Mid ahaa Goobaha uu Soo Maray Masuulkani Oo Lagu Magacabo Axmed Xaamud sidoo kale Waxaa socdaalkiisa Uu Ku Marayo Qayabaha Kala duwan ee Boosaso Ku Weheliyay Madax Ka socta Maamulka Puntland Iyo Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Ee Puntland.
Habeenimadii Xalay Ayaa waxa Xarunta Juba Hotel Loogu Sameyay Masuulkani Casho Sharaf ay Ka soo Qaybgaleen Madax ka socota Dowlada Puntland Iyo maamulka Ragta Ganacsiga.
Hadaba Shir Jaraa’id Oo Ku saabsan socdaalka Axmed Xaamud ayaa waxa Maanta Qabtay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland Maxmuud Xayir Ibraahim.
Gudoomiyaha Ayaa waxa uu Ka warbixiyay Waxa Uu ku saabsanaa Socdaalka Masuulkani Ka socda Bangiga Caalamiga Ah ee CAC- Bank waxaan Uu Xusay In Socdaalkani uu Yahay Sahan Ka Yimid Yaman Oo sheegay In uu Yahay Horudhac isla Markaasina waxaa uu xusay Gudoomiyaha Rugta ganacsiga In Booqashadani ay Daba Joogto Socdaalkii Dhawaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Uu Ku soo Maray Dalka Yaman.
” Ganacsatada Waxa ay Ka Maarmayaan Oo dalka Gudihiisa ay Ku Helayaan Adeegyadii Ay U aadi Jireen dalalka Dibada Isla Markaasina Bangigani CAC-Bank waxaa uu Fududeyn doonaa Nidaamka Wax Kala Iibsiga Iyadoona Ganacsatadeenu Wax badan Oo Faa’iido ah Ka Heli doonan” Ayuu Ku Yiri shirkiisa Jaraa’id Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Iyo Warshadaha Ee Puntland.
Ganacsato Iyo Madax Ka socata Dowlada Puntland ayaa Casho Sharaf La Qaatay Axmed Xaamud waxaana Ka mid ahaa Masuuliyiinti Halkasi Ka Hadlay Mudane Cali Cabdi Awaare Oo sheegay In ay si weyn U soo dhaweynayaan Nidaamkani Cusub ee Bangigani Yaman Ka Hirgalinayo Gudaha Deeganda Puntland Isgoona Ugu Baaqay Ganacsatada In ay Ka Faa’ideystaan Habkani Cusub ee La Hirgalinayo.
Nidaamka Bangigani ayaa waxaa La sheegay In uu Yahay Habaka Casriga ah Ee Aduunka Wax Lagu Kala iibsado waxaana Ka mid ah Habka Kaararka LCyada iyo Habab Kale Oo Badan.
Bingigani CAC-Bank ayaa waxaa uu Yahay Mid si weyn Caalamka Ugu Baahsan Waana Markii Ugu Horeysay Oo Masuul Ka socda Yimaado Deeganada Puntland Isla Markaasina Laga Furo Gayiga Somaalida.
Hadii Uu Hirgalana waxaa Ganacsato badan Oo Reer Puntland Ah U Fududaneysa Nidaamka wax Kala Iibsiga Casriga ee Dunida Looga dhaqmo Waxaana Ganacsatada Puntland Dhamaantood U Noqon Doonta Kuwo La Jaan Qaada Hababka Caalamiga ah Misana Islaamiga ah.
Mohamed A Rashiid
RBC Radio Boosaso
ofcourse we thank god for that
and also its good point that it count in faroole administator